Hargeysa(ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa shalay xukunno  ganaax lacageed iyo digniin ah isugu jira  ku ridday Tifaftiraha Wargeyska Maalinlaha ah ee Saxafi  oo kasoo baxa magaalada Hargeysa Cabdifataax Maxamuud Caydiid. Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa

 

 

 

go’aankan ku fasirtay mid jawaab u ah dambi ay sheegtay in  lagu galay war hore  loogu  baahiyey wargeyska Saxafi bishii December 2010, eek al hore,  kaas oo ku  saabsanaa heshiis deeq ah oo ay dawladda Kuwait ugu yaboohday in lagu dayactiro madaaradda Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland, Islamarkaana ka cadhaysiiyay  wasiirka Duulista Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi oo dacwad arrintaa la xidhiidha la galay Wargeyska Saxafi.
Dhagaysiga dacwaddan oo soo socday tan iyo horraantii bishii January ee sannadkan ayaa go’aankiisu noqday xukun Maxkamadda gobolka Hargeysa ku ridday Tifaftiraha wargeyska Saxafi, kaasoo u qaybsan ganaax lacageed oo qadarkiisu dhan yahay $1,000 (Kun doollar) oo u dhiganta sida xukunka Maxkamadda gobolka Hargeysa ku cad 6,000,000 (lix milyan) oo shillinka Somaliland ah. kaasoo garsooruhu sheegay in Xadhig loogu bedelli doono tifaftiraha haddii uu muddo sodon maalmood guduhood ah ku bixin waayo iyo digniin ay ku siisay in ruqsadda laga qaadi doono haddii tifaftiruhu galo dambi la mid ah ka ay xukunkiisa ku ridday muddo laba sanadood ah.
Garsooraha Maxkamadda gobolka Hargeysa ee dacwadda ka garnaqayey oo ahaa Siciid Yuusuf Indho-caad ayaa isagu xukunkiisa ku laalay qodobka 287 ee xeerka Ciqaabta Guud (Panel code) oo ay Xeer-ilaalintu ku soo eedaysay tifaftiraha, waxaanu garsooruhu xukunkiisa ku sheegay inuu laalay qodobkaas, kadib markii uu Maxkamadda ka hor cadaan waayey.
Hase yeeshee Xeer-ilaaliyaha u dacwiyayey wasiirka Duulista Hawada oo magaciisa la yidhaahdo Aadan Salaad Seed, ayaa inta uu istaagay markii uu garsooruhu dhammeeyay dhawaaqista xukunkiisa, waxa si cadho ka muuqato wejigiisa u sheegay inay rafcaan ka qaadanayaan xukunka garsooraha Maxkamadda gobolka Hargeysa ku dhawaaqay.  taas oo dadkii Madasha xukunka lagaga dhawaaqay ay u fasirteen inuu Xeer-ilaaliyuhu doonayay in xukun xadhig ah loogu dhawaaqo.
Sidoo kale, Qareenada difaacayey Tifaftiraha Wargeyska Saxafi ayaa iyaguna sheegay in xukunka lagu riday muwakilkooda ay rafcaan ka qaadanayaan.
Dhinaca kale Tifaftiraha Wargeyska Saxafi, Cabdifataax Maxamuud Caydiid oo ay warbaahintu wax ka weydiisay markii xukunka ay ku dhawaaqday Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay inaan dacwada lagu soo oogay lagu qaaday xeerka Ciqaabta Guud iyadoo uu jiro xeer Saxaafadda Somaliland leedahay oo dhaqan-gal ah, sidaas darteedna ay mar walba gef ku tahay Suxufiyiinta Somaliland inaan dacwadahooda lagu qaadin xeerka dhaqan-gal ah oo Saxaafadda Somaliland leedahay, balse mar walba loo adeegsado xeerka Ciqaabta Guud oo ah xeer ay dawladihii hore ee Somalia ku dhaqmi jireen, isla markaana loogu talo-galay cabudhin iyo cago-jugleynta Saxaafadda iyo Suxufiyiinta.    “Maanaan fileyn in denbi aanaan gelin lanagu xukumo, balse dhinicii ay caadiyan u dhici-jirtay xiliyaddii aynu soo arragnay Cadaaladeenu ayay martay, halka waxaa ka cad in aan wax is bedelay jirin. midda kalle, waa gef mar kale lagula kacay Xeerka Saxaafadda Somaliland ee Baarlamaanku ansixiyey 2004 Madaxweynaha Somaliland-na saxeexay dhaqan-galkiisa, mana aqbalayno in Xeerka Ciqaabta Guud lagaga garnaqo dacwaddaha la xidhiidha saxaafadda iyaddoo uu jiro xeer Saxaafadeed oo dhaqan-gal ahi, sababtoo ah waxay taasi gef iyo ceeb ku tahay Distoorka iyo shuruucda ay ummadda reer Somaliland dhigteen iyo  dimuqraadiyadda ka hana-qaaday dalka ee xukuumadda hadda talada haysa lafteedu ku timi,” ayuu ydihi Tifaftiraha Wargeyska Saxafi.
Mar wax laga weydiiyay Tifaftire Cabdifataax M. Caydiid sida uu arko rafcaanka Xeer-ilaaliyaha ka qaadatay xukunka uu isaga laftiisu ka biyo-diiday, waxa uu yidhi: “Waxaa layaab ah in iyadoo xeerkii Saxaafadda la garab maray oo xeer-ilaalinta doonisteeda ah burinta xeerarkii ay u xilsaareyd ilaalintoodda la raacay dacwadiina loo maray xeerka Ciqaabta Guud, uu haddana ku qanci waayo oo uu nooga horeeyo. Annaga ayaa rafcaan ka qaadanaynay oo xukun dulmi ahi nagu dhacay, laakiin tani waxa kalle oo ay caddaynaysaa in xeer-ilaalinta oo metelaysay xukuumaddu ay doonayeen in xukun xadhig ah lanagu xukumo, siddii horeba u haysatay Saxaafadda. Markaa waxaa odhan lahaa haddii ay xeerkii Saxaafadda Somaliland ee dhaqan-galka ahaa ku kalsoonaan waayeen oo ay iska tureen, oo xeerkii Ciqaabta Guud ee ay doorteen loo maray haddana ku qanci waayaan, ha iska samaystaan Maxkamaddii Badbaadada oo sidii ay doonaanba wax ugu xukunta.”
Dhinaca kalle, Tififtiraha Saxafi waxaa uu soo qaatay waraysi hore uu  Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi u siiyay Weriye Mustafe Janaale oo ka tirsan Hadhwanaagnews bishii ina dhaaftay, isla markaana lagu daabacay wargeyska Saxafi, taas oo uu  Wasiirku ku sheegay in Wargeyska Saxafi saamixi doono haddii isaga cafis ay weydiistaan.
Hadalkan ayaa Cabdifataax Caydiid waxaa uu ku tilmaamay mid ka hor imanaya habdhaqanka dacwadaha Maxkamadda ku jira oo aanay ahayn in la dhex-gallo, siddoo kalle, waxaa haddalkiisu muujiyay inuu sii ogaa xukunka dacwadaas ka soo bixi doonaa in uu dhinaciisa u dhici doono.
Wasiirka Duulista iyo Hawada yaa hortaantii bishii January ee sannadkan wuxuu xeer-ilaalinta gobolka Hargeysa u gudbiyay in dacwad loogu oogo Wargeyska Saxafi oo uu sheegay inuu ka qoray war been ah oo lagu sumcad dilayo, waxaanay Xeer-ilaalinta gobolka Maxkamadda gobolka Hargeysa u gudbisay dacwad ka dhan ah Wargeyska Saxafi oo ay ku eedaynayso inuu daabacay war been ah oo gef iyo sumcad dil ku ah wasiirka Duulista Hawada, iyadoo warka wargeysku daabacay ee wasiirku ka cabanayay ku saabsanaa deeqda dawladda Kuwait ugu deeqday Somaliland oo lagu dayactirayo madaaradda Hargeysa iyo Berbera, kaas oo uu wargeysku markii ugu horeysay soo shaaciyay deeqdan xilli wakhtiga wasiirku heshiiska soo saxeexay iyo wakhtiga warkan wargeysku baahiiyay ay u dhaxay in ka badan bil, iyadoo aanu wakhtiga intaas le’eg marnaba wasiirku warbaahinta ka sheegin heshiiska uu Kuwait la soo saxeexay oo lacagta ku baxaysaa gaadhayso $10 Milyan oo dollar, balse markii Wasiirka Duulista Hawadu markii wargeyska Saxafi daabacay warka ayuu markii ugu horeysay ka hadlay isagoo dhinaca kalena beeninaya warka wargeysku ka qoray heshiiskaas, waxaanu sheegay qiray jiritaanka heshiiskaas, balse waxa uu beeniyay inay jirto wax lacag kaash ah oo uu ka soo qaaday Kuwait oo mashruucaas ku saabsan iyo jiritaan account khaas ah oo lacagtaas lagu shubay.
Xukunka Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku dhawaaqday ayaa waxa uu qornaa sidan:
“Magaca ummadda Somaliland,
Maxkamadda Gobolka Hargeysa,
Xukunkii Maxkamadda
Maxkamadda gobolka Hargeysa:
Waxay xukuntay Dambiilaha magaciisu hoos ku qoran yahay:
Dambiile: Cabdifataax Maxamuud Caydiid, Ina Weris Jaamac, L/ 36 jir ah, kaasi oo ay maxkamaddu ku xukuntay Ganaax lacageed oo dhan $1000 oo u dhiganta 6,000,000 Shillin Somaliland, waxaana lagaga xukumay qodobada 452,328,287, lala Akhriyo 45 XCG, 13, 14aad ee Xeerka Saxaafadda Xeer No: 38/2007. Qodobka 2aad iyo 3aad ee isla xeerkaas, haddii uu ku bixin waayo 30 maalmood gudahood waxaa ganaaxaa lagu xukumay loogu bedeli doonaa xadhig u dhigma.
Waxay Maxkamaddu u cuskatay qodobada 103, 104,108, 161, 172 XHC iyo qoddobada lagu soo eedeeyay.
Waxa kale oo looga digayaa xukunsanaha in haddii uu dambigan oo kale la yimaado muddo 2 sannadood gudahooda in lagala noqon doono Ruqsadda Wargeyska uu ka shaqeeyo.
Waxa la laalay qodobka 287 XCG kadib markii uu Maxkamadda ka hor cadaan waayey.
Waxa lagu dhawaaqay xukunkan Maanta oo ay taariikhdu tahay 30/4/2011.
Waxa ka furan Rafcaan muddo 30 Cisho gudahooda.”
Allaa Mahad Leh
Siciid Yuusuf Cabdi
Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa” 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *