Hargeysa(ANN)Shirkaddaha Integrated Logistics Solutions and East Africa Trading and Services company ayaa komishanka doorashooyinka ku eedeeyay in ay qaab khaldan oo Eex ah  ku bixiyeen qandaraasyadda ololaha doorashooyinka golayaasha deegaanka ah ee dalka ka dhacaya.

Sidaasna waxa ay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen xalay, kaas oo u dhignaa sidan:-

“Anaga oo kala ah labada shirkaddood ee magacyadoodu kala yihiin Integrated Logistics Solutions and East Africa Trading and Services company , waxaanu halkan ku soo gudbineynaa warsaxaafadeed kooban oo aanu ku sheegeyno cadaalad daro iyo eex baahsan oo aanu kala kulaney Guddidad Doorashooyinka Qaranka.  Waxaa lagu baahiyey mareegta internetka ee u gaarka ah xafiiska doorashoooyinka qaranka QANDARAAS kaasi oo ah Gaddiidkaka ka shaqeynaya doorashada ee guraya agabka doorashooyinka iyo shaqaallaha.

Waxaanu ka koobnaa baabuur waaweyn iyo kuwo yar yar (LORRIES and VEHCLES) si cadna luugu muujiyey tirade iyo nooca gaadiidka oo lagu saleeyay gobalada dalka oo dhan oo lix ah, taasi oo loogu talo galey lugta hore oo ah marka sanaadiiqda lageynayo degmooyinka doorashada oo 21 degmo ah lugta labaadna ay tahay goobaha codbixita.

Waxa uu si cad oo aan muran ku jirn documentiga qandaraasku lagu cadeeyey shuruucda looga baahan yahayshirkadda soo codsaneysa iyo nidaamka lag rabo ee ah in la maro oo ay ugu muhiim santahay xaga farsamada, qiiamaha iyo awooda shirkadda.

Haddaba waxaanu si habsami ah u dhamaytireny wxii shuruud iyo qawaaniin nalooga baahnaa anag oo ah labada shirkaddood ee xaga sare ku xusan. Kadibna waxaanu xarayney tenderkii ama qandaraaskii xiligii loogu tala galay oo ahay 20. 10.20012 ka hor 12:00 duhurnimo.  Isla markaana waxa nala wargeliyey in galabnimada maalntaasi oo ahayd sabti in la furi doono 4:00 pm.

Sidi balantu ahayd ee ay sheegeen xafiiska guddida doorshooyinka, kuna cadayd qandaraaska shuriidihiisa, dhamaan shirkaddihii danaynayey wakiiladoodii waxa ay yimaadeen xarunta dhexe ee guddida doorashooyinka. Wakhti kooban ka dib waxa la guda galay hawshii furitaanka qandaraaska gaadiidka iyada oo ay xaga guddidada doorashooyinka ay goobjoog ka ahayeen Gudoomiyaha iyo sadex xubnood oo kale oo ah guddidad doorashooyinka qaranka iyo xoghayan ka mid ah shaqaallaha giddidad doorashooyinka.

Waxa la shaaciyey oo guddoomiyuhu ku dhawaaqay shirkad waliba qiimaha ay ku soo gudbisey qandaraaska si cad oo aan qarsoodi lahayn waxayna kalaahaayeen sidan soo socota:

1.SHIRAAQLEH               $604,000 WADARTA GUUD LIXDA GOBAL

2.OCT & ALFATXI           $483,076 WADARTA GUUD LIXDA GOBOL

3.HORN TRANSIT           $512,103 WADARTA GUUD LIXDA GOBAL

4.DALQAN GROUP         $466,450 WADARTA GUUD LIXDA GOBAL

5.AMAL                           $469,087 WADARTA DUUD LIXDA GOBAL

6. ILS &EAST AFRICnA GROUP  $353,626  WADRATA GUUD LIXDA GOBAL

Sida ku cad shaxda qiimayaahsha ay soo bandhigeen tartamayaashu waxa qiimaha ugu jaban ama ugu hooseeya soo gudbiyey ILS iyo East africa.

Waxa la balamay in 23. 10.2012 oo kun beegnayd  salaasa in la shaacin doono  cida ku guuletsatey iyadda oo loo yeedhayo dhamaan tartamayaasha.

Nasiib daro arrintaasi sidii lagu balamay umay dhicin, waxaana ayaan daro noqotay in 5 cisho dabadeed maalintii balantu ahayd in aanu ka maqalney suuqa in laba shirkadood loo qaybiyey qandaraaskii,  arrintaasi oo noqotay dhacado ugubah oo aan hore uga dhicin gudidda doorashooyinka qaranka.

Xidhiidh aanu lasamayney Guddoomiyaha ESSA XAMARI ayaa noo xaqiijiyey  in laba shirkadood loo qaybiyey qandaraaskii si is leeg. Waxaanu ka dalbanay in aanu la kulano oo uu na qanciyo, 28.10.2012 oo ku beegnayd axad ayaanu 10:00 a.m kula kulaney, Gudoomiyaha, laba xubnood oo kumishanka ka mid ah oo kala ah Abdifatah iyo Rabi,  kulankayagaasi oo qaatey mudo aan ka badneyn 15 daqiiqadood wax garawshiiyo ah oo aanu ku qanacno kamaanu helin. Waxaanu kulankaasi ku soo bandhigney nuqulo ka mid ah qandaraaska oo si tafatiran u sheegaya nooca gaadiidka iyo tirade. kulan kaasina waxa uu ku gabagaboobay RAALI AHAADA. 

HADDABA IYADA OO HAWSHA GUDDIDADA DOORASHOOYINKU YIHIIN MID XASAASIYAHA SALDHIGNA U TAHAY CADAALAD, WAXAA SHAKI IYO DAREEN LEH IN GANRAQA GUDDIDA DOORASHOOYINKU AY KU JIRTO MUGDI WAAYO MADAAMA AY CADAALAD U FALI KARI WAAYEEN 6 SHIRAKADOOD OO SHAQAO KOOBAN LOO DIRAYO, SIDEEBAY UGU GARNAQI KARAAN KUMANAANKA MASHARAXIINTA EE KA KALA SOCDA XIBSIYADA IYO URURADA SIYAASADA.

GABAGABDA DULUCDA WARSAXAAFADEEDKAYAGANI WAXA AANU SI QADARIN IYO SHARAFLEH UGU CODSANYENAA  XUKUUMADDA IYO HAY’DDA INTERPEACE IN AY TALAABO KA QAADAAN CADAALAD DARADA AY SAMEYNAYAAN XUBNO KA MID AH GUDDIDA DASHOOYINKA QARANKA SI CADAALADA IYO MAAMUL WANAAGA LOO SUGO.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *