ciidanka qaranka Somaliland Cismaan C/llaahi ayaa isagoo ku sugan fadhiisinka ciidanka qaranka ee Ganbadhe u sheegay Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga in malayshiyada Budhacad-badeedu maanta duhurkii weerar laba dhinac ah kusoo qaaday saldhiga ciidanka ee Kabadhe, wuxuuna sheegay inay wateen qiyaastii 22-23 gaadhi oo tigniko ah, balse dhirbaaxo kulul ay kala kulmeen ciidanka qaranka, isla markaana laga qabtay laba gaadhi oo nooca yar yare ee Tignikada ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay in maxaabiis laga qabtay malayshiyadaa, isla markaana ay ciidanka qaranku baacsadeen oo ku celiyeen Tukaraq.
Afahayeenka u hadlay ciidanka qaranka Somaliland waxa uu sheegay in laba askari dhaawac fududi kasoo gaadhay, isla markaana aan wax khasaare ahi soo gaadhin dhinaca ciidanka qarnka Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com