Hargeysa(ANN)Wasaaradda Waxbarshadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa  shaacisay Xiliga loo fadhiisanayo imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo sare.Sidaana waxa shaacisay Wasiirka Wasaaradda waxbarashada
Somaliland Marwo Samzam Cabdi Aadan oo saxaafada kula hadashay xafiiskeeda maanta, waxayna  sheegtay in Ardayda guud ahaan u fadhisan doonta imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada dhexe iyo sare ay tiradoodu gaadhayso sanadkan 17, 531 (Todoba iyo Toban kun, Shan Boqol iyo Sodon iyo Kow) Arday, kaas oo bilaabmi doona Sideeda Subaxnimo ee 30-ka bishan June.
Marwo Samzam Cabdi Aadan,  waxay xustay  in 5, 846, (Shan Kun Sideed Boqol iyo Afartan iyo Lix)  Arday u fadhiisan doonaan imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee Somaliland oo dhan , kaas  oo ka dhici doona 42 goobood oo degmooyinka iyo gobolada dalka ah.
Sidoo kalena 11, 667 (Kow iyo toban Kun, Lix Boqol iyo  Lixdan iyo Todoba),  Arday ay iyaguna u fadhiisan doonaan  imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada dhexe ee dalka oo dhan kaas oo ka dhici doona 98 goobood oo degmooyinka iyo Gobolada dalka ah.
Wasiir Samzam waxa kale oo ay xustay in ugu yaraan 1,263 (Kun laba boqol iyo Lixdan iyo Sadex), qof oo  hawl-wadeeno ahi  ka qayb qaadan doonaan hirgelinta imtixaanaadkaa, taas oo ujeedadeedu tahay in si weyn loo imtixaanaadka.
Dhinaca  kale imtixaanaadka sanadkii hore ayaa fadeexado kasoo baxeen. Kadib markii suuqa la geliyay, taas oo keentay in dib loo bedelo maadooyinka qaar. Kadib markii suuqa madaw lagu kala iibsaday imtixaanaadka oo ay Aradaydu suuqa ku kala iibsadeen, balse waxa hada muuqata inay wasaaradda waxbarashadu taxadir dheeraad ah saartay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *