Hargeysa(ANN)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun ku riday in ka baddan laba dersin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ciidanka Bilaysku kusoo qabqabteen hawlgalo ay habeenadii u danbeeyay ka sameeyeen xaafaddaha magaaladda Hargeysa. Dhalainayaradaa

 

 

oo saaka la horkeenay maxkamadda gobolka Hargeysa, waxa lagu soo eedeeyay falal Tuugo, Boob iyo budhacadnimo, iyadoo maxakamadda horteeda la keenay waxyaabo muujinaya inay ku jiraan falalka  lagu eedaynayay, iyagoo ku hubaysanaa  Toorayo, Faashash iyo Mukhaadaraad qaarkood lagu qabtay.   Garsoore C/rashiid Duraan ayaa tusay weriye ka socday shebekadda Araweelonews waxyaabaha faldenbiyeedyada ah ee lagu soo qabtay  dhalinayaradaa oo tiradoodu ahayd 33, balse shan ka mid ah la sii daayay markii ay waxba ku cadaan waayeen, isla markaana xeer ilaalinta gobolka oo ku oogaysay dacwadu keeni weyday markhaati iyo waxyaabo cadaynaya inay ku jireen falalkaa lagu eedaynayo.
Garyaqaan C/raxmaan Ibraahin Caalin (Ilaka case) oo ka mid ah Ururka qareenada ee Sola ayaa difaacayay dhalinayaradaa, wuxuuna shebekadda wararka ee Araweelonews u sheegay in dhalinyarada la keenay Maxakamadda horeteeda 33 qof, kuwaas oo sida uu sheegay lagu eedeeyay falal Tuugo iyo Budhacadnimo ah, balse la sii daayay saddex ka mid ah, halka 28 ka mid ah lagu xukumay midkiiba 2 sannadood oo xadhig ah, marka laga reebo mid xanuunsanayay ooh al sanno lagu xukumay.
“Dhamaantood mar keliya ayaa maxkamadda lasoo wada taagay, Waxay isugu jireen kuwo hore xukuno denbiyadan oo kale ugu dhaceen iyo kuwo hada lagu soo qabtay inay ku jireen falalkaa, waxaana Maxakamadda la keenay waxyaabihii lagu qabtay ee Tuugada iyo Budhcadnimada ahaa, waxa kaloo xeer ilaalintu keentay markhaatiyaal ku furay inay falalkaa ku kaceen oo ahaa Ciidanka Bilayska ee soo qabqabtay.” Sidaa waxa yidhi Garyaqaan C/raxmaan Ibraahin Caalin (Ilaka case)  oo difaacayay dhalinayaradaa xukunku ku dhacay saaka.
Hawlagalka ay ciidanka Bilaysku ku qabqabteen kooxahaa dhalinayarada ah ayaa ka danbeeyay. Kadib markii mudooyinkii u danbeeyay ay soo bateen falalka Tuugada iyo kooxo dhalinayaro ah oo dadka ku baadhta xaafaddaha magaaladda Hargeysa qaarkood, iyadoo todobaadkii hore ee dabayaaqadii sannadkii dhamaaday ay sidan oo kale Maxakamaddu xukun ku riday 72 dhalinayaro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay falalkan oo kale, Balse Garsoorayaasha maxakamadda iyo saraakiisha ciidanka Bilayska ayaa ka cawaday in marka ay hawlagalo sidan oo kale ah oo lagu sugayo amaanka kusoo qabqabtaan dhalinayaro falalkaa ku jirta ay masuuliyiinta xukuuumadda qaarkood iyo xildhibaano kala kulamaan mushkilad, kuwaas oo doonaya in loo sii daayo dadka ay ehelka yihiin ama dhalinyarada loo qabto falalkaa.  
Kooxda dhalinayarada ee maanta maxkamaddu ku riday xukunka ayaa loo taxaabay xabsiga magaaladda Mandheera, kuwaas oo laga daba geeyay dhawr iyo todobaatan la qabtay Todobaadkii hore oo sidan oo kale xukun maxkamaddeed ugu dhacay. Falalka Tuugta iyo dhalinayarada ku hubaysan Toorayaha iyo Faashashka ee dadka ku baadhta dariiqyada xaafaddaha ayaa soo batay. Kadib markii  Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo meesha ka saartay ee ay baabiisay guddidii nabadgelyada ee xukuumaddii Rayaale u adeegsan jiratay dadka, balse Wasiirka Arrimaha Guddaha Somalialand Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlayay todobaadkii hore xukunka maxkamaddu ku riday dhawr iyo todobaatanka qof ayaa sheegay in laalista xukunkii deg-dega ahaa ee xukuumaddu laashay iyo guddidii qayral dastuurka ahayd aanay macneheedu ahayn in la sameeyo falal nabadgelyo daro iyo fawdo, taas oo uu sheegay in aanay xukuumaddu u dul qaadanayn ee ay tallaabo ka qaadayso dadka wada nabadgelyo daradda.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *