Hargeysa(ANN)Ciidammada Booliska Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay Ganacsade Axmed Faarax Xarbi oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland. Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka
tirsan dawladda hoose ee Hargeysa.
Ganacsadaha ayaa ciidanku xabsiga u taxaabeen markii saaka uu is hortaagay hawlgal ay dawladda hoose ku duminaysay Gurrigiisa oo ku yaala duleedka dhinaca Woqooyi Huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, iyadoo ay maalintii doraad isku maan dhaafeen Maayar xigeenka dawladda Hoose iyo Ganacsade Axmed Faarax Xarbi in la dumiyo dhismahaa oo ay sheegeen inay wadado ka baxdaa soo gashay, balse wax xal ah laga gaadhi waayay muran iyo buuq ka dhashay halkaa oo ay soo dhexgaleen Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Badhasaabka Gobolka Hargeysa Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji).
Hase yeeshee Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo hoggaaminayay hawl galkaa ayaa saaka amar ku bixiyay in la dumiyo dayrka guriga ganacadahaa oo ay horena dawlada Hoose u dumisay, balse ay sheegeen in dib dhisay. Laakiin Ganacsadaha ayaa is hortaagay hawlgalkaa, isagoo ku dooday inaanu gurigiisu ku jirin wax waddo ah. Sidaa awgeed aanu aqballayn qorshaha ay wataan ee duminta gurigiisa, laakiin maamulka dawladda hoose oo khaashanaya ciidanka Bilayska ayaa dumiyay Gurigaa, isla markaana xabsiga u taxaabay ganacsade Axmed Faarax Xarbi oo hada ku jira xabsiaga.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com