Burco(ANN) Afar dhalinyaro ah, ayaa caawa ku geeryooday magaaladda Burco mid kalena waxa uu  galay xaalad halis ah,  ka dib markii ay cabeen biyo sumaysan oo yaalay Masaajid hortii, waxaana markiiba goobtaa ku geeriyooday laba ka midda Wiilashii, labadii kalena waxa loola cararay Cisbitaalka

guud ee magaaladda Burco, halkaas oo ay ku geeryoodeen.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer Yaasin Maxamed Cabdi ayaa Sheegay in Caruurtu ay ahaayeen ‘’ shan wiil oo dhalinyaro ah, oo ka yimid magaaladda Dibadeeda, ayaa waxay yimaadeen, Masaajid ku yaaala Xaafadda Hodan Qaylo, ka dibna waxay cabeen Biyo ku jiray Caaga, biyahaasi waxa markiiba tufay mid ka mida wiilashaasi, kuwii kalena si weyn bay u cabeen laba goobtii ayay ku dhinteen labana dhakhtarka ayay  ku dhinteen. Ayuu yidhi Badhasaabka  gobolka Togdheer oo ka hadlayay arrintaa naxdinta leh.

Wuxuuna intaa ku daray Badhasaabku in Biyaha ay  dhalinyaradaasi  cabeen, ahaayeen kuwo sumaysan, oo lagu daray Sunta Cayayaanka, isla markaana Nin ay Boolisku u qabteen falkan uu qirtay , kaasoo hadda lagu hoayo saldhiga dhexe ee Burco laguna wado baadhitaan”.
Caruurtaa oo ahaa shan ayaa kii  shanaad lagu daweynayaa Cisbitaalka guud ee magaaladda Burco,   waxaana  gacanta lagu  hayaa  sida uu sheegay  gudoomiyuhu ninkii dhigay caagada biyaha sumaysani ku jireen , kaas   oo magaciisu yahay Faarax Axmed Seed Caateeye, isla markaana   isagu qirtay in uu biyaha Wiilashu cabeen ku shubay cagadaasi oo sumaysnayd.

Magacyadda iyo da’da caruurta  ku geeryooday Biyahaa sumaysan  ayaa waxay yihiin sidan:-
1 Axmed Cabdi Maxamed 15 Jir
2 Mustafe Jaamac Cabdilaahi 10 jir
3 Axmed Maxmed Cabdi 12 jir
4 Abokor Maxamed Cabdi 11 jir.

Araweelonews  Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *