Hargeysa(ANN) Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee dalka Djibouti usoo dhiibeen nin ka mid ahaa raggii abaanka u ahaa malayshiyo ka tirsanaa jabhadda ONLF oo hub kala soo degey xeebaha
galbeedka Somaliland dabayaaqadii sannadkii hore 2010.Ninkaa oo ka mid ahaa koox dhawr qof ah oo dalyaqaan iyo abaan u ahaa kooxdaa, ayaa isugu baxsaday. Kadib markii ciidamda amaanka Somaliland gacanta kusoo dhigeen dareewaliintii waday gaadiidka hubka lagu qaaday, kuwaas oo ka daabulayay xeebta tuulada Buulo-Caddo ee galbeedka Somaliland.
Hase yeeshee Taliyaha ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay in ninka oo uu magaciisa ku soo koobay Mr. Aleel ka mid ahaa raggii maxkamada ciidamada Somaliland xukuntay, iyagga oo maqan oo baxsaday, balse ciidamada Djibouti ay gacanta ksuoo dhigeen. Sidaana loogu soo wareejiyay Ciidanka Bilayska Somaliland.
Gen. Rooble Furre, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta Idaacada laanta Afka Soomaliga ee BBC-da la hadlayay, isagoo sheegay in ninka ay ciidanka Djibouti usoo dhiibeen ay hore Maxkamadda Ciidanku ugu xukuntay xabsi 16 sannadood ah, isla markaana loo gudbin doono xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil si uu ugu soo dhamaysto xukunka lagu riday.
Taliyaha booliska Somaliland Cilmi Kaabal oo sharaxaya waxa uu yahay ninka lagu wareejiyay waxa uu yidhi, “Aleel oo ka mid ahaa raggii Buullo-Caddo hubka iyo rasaasta kala soo rogeyay jabhadda ONLF, waxa gacanta noo soo galiyay ciidamada jaandar maarigii Djibouti, ninkana waxa uu ka mid ahaa qoladii baxsatay.”
Wuxuuna dawlada Djibouti uga mahad celiyay u soo gacan galinta dambiilahan, isagoo yidhi, “dalka DJabuuti aad iyo aad ayaan ugaga mahad naqaynaa (Qabashada ninkan), waana wax naga dhexeeya wada jirkaasi oo hore ayuu noogu dhexeeyay, waxaana durba loo gudbiyay xabsiga Mandheera.” Ayuu yidhi Gen. Rooble Furre.
Md Cilmi Rooble Furre, waxa uu sheegay in ninkan oo shalay loo soo gacan geliyey maxkamada ciidamada dalku hore ugu xukumeen xabsi 16 sanadood ah “Ninkan lix iyo toban sanno ayaa isaga oo maqan lagu xukumay” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Markaa waxaanu u gudbinaynaa xabsiga Madheera.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com