Muqdisho(ANN) Ugu yaraan nta la ogyahay 2qof ayaa ku geeriyooday dersin kalena way ku dhaawacmeen. Markii kolanyo Ciidamadda amisom oo marayay isgoysa KM.4 iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho rasaas ku fureen dad rayid ah oo halkaa ku sugnaa. Ilaa
hada si cad looma oga sababta rasmiga ah ee ay ciidamadda amisom rasaasta u fureen iyo khasaaraha dhabta ah, balse dad goob joog ah ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews inay ciidamadda amisom oo wadada marayay rasaasta fureen markii ay isku dhaceen laba Bas oo kuwa caasiaga oo halkaa marayay, iyadoo waqtigaa ay wadada marayeen kolanyo ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee amisom. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa qaarkood marayeen wadada hareereheeda, halka kuwa kalena ay meherado yar yar ku haysteen agagaarka laamiga.
Waxaana jira warar sheegaya inay dadka ku jiraan laba caruur oo yar yar. Ciidamada amisom ayaan ilaa hada ka hadlin dhacdaa, mana aha markii u horaysay ee ay sidan oo kale rasaas ay furan keento khasaare balaadhan oo sidan kale ah, balse ciidamada amisom waxay rasaas iyo madaafiic ku ridaan goobaha dadka shacabka ahi ku sugan yihiin, iyagoo ku dooda in meelaha noocaa ah ay kooxaha dagaaladu ka dhexeeyaan ka dhigtaan gabood.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380