taleex1Hargeysa(Araweelo News Network)Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa la wareegay Magalada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool, taas oo fadhiisin u ahayd dhawrkii sanadood ee u danbeeyay Malayshiyada

 

Nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo.
Warar hordhaca ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland gudaha u galeen magaalada, iyadoo aanay la kulmin wax dagaal ah, isla markaana ay fadhiisimo cusub ka samaysteen deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in malayshiyo taageersanayd Khaatumo ka baxeen magaalada ka hor intii aanay gaadhin ciidanka Qaranka Somaliland.
Gelitaanka Ciidanka Qaranka Somaliland ee Taleex wuxuu kusoo beegmay, iyadoo Kooxda Khaatumo oo hore u kala qaybsantay ay qorshaynayeen sidii ay deegaankaa ugu qaban lahaayeen shir la mid ah kuwii ay hore ugu qabteen.
Xukuumadda Somaliland ayaan wax war ah kasoo saarin hawlgalka Ciidamada Somaliland kula wareegeen Magaalada Taleex oo gacan ku haynteedu ahmiyad weyn u leedahay Somaliland. Sidoo kale Maamulka Garoowe oo ku andacooda in Taleex ka mid tahay deegaamada maamulkooda raacsan ayaa ka xumaaday gelitaanka ciidanka Somaliland ee Taleex oo ay gacan weyn ku lahaayeen murankeeda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *