madaxweyne SilanyoxafiiskaHargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta u magcaabay masuul cusub La Taliyaha Xafiiskiisa ee Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah. Sidaana waxa lagu sheegay

 

war saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, kaas oo u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2414/042014 ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                 Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:         Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah;

Markuu Arkay:                 In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday:     Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku-qancay:        In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooda Axmed Saleebaan Dhuxul.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *