araweelonewsHargeysa(Araweelo News Network)Maamulka Jaamacada Hargeysa ayaa qoraal is khilaafsan kasoo saaray muranka ka dhashay cabashda Ardayda Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan Ardayda Labaad, kuwaas oo

 

shalay qaarkood Ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen markii ay cabasho ku muujiyeen daroonkooda.

Qoraal saxaafadeedka maanta kasoo baxay Maamulka Jaamacadda Hargeysa oo uu ku saxeexanyahay Prof. Cadbisalam Yasiin Maxamed oo ah Guddomiye ku-xigeenka Akademiga iyo Ardayda , isla markaana lagu socodsiiyay Ardayda Labaad iyo Waalidiinta ayaa lagu sheegay in aanu jirin wax lagu kordhiyay Fii-ga ay bixiyaan halkii Semestar Ardaydu, balse ay lacagtu tahay uun  tii Bilawgii Semesterka.
“ Maamulka Jaamacada Hargeysa waxa uu la socodsiinaya dhammaan Ardayada Labbaad, waalidkooda iyo bulshadaba, In lacagtii la kordhiyey bilawgii Semesterkan aan wax isbedel ahi ku iman ayna tahay sidan hoos ku qoran, ayaa lagu yidhi qoraalka Jaamacadda Hargeysa.

Sidoo kale waxay sheegeen In maamulka Jaamacaddu si weyn ugu mahad celinayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland iyo Wasaaradda waxbarashadda iyo Tacliinta sarre,iyagoo yidhi, Waxaanu uga Mahad celinayaa “Talaabadoodii deeqsinimada lahayd ee ay Ardaydaasi kaga bixiyeen intii lagu kordhiyey Semesterkii Dhamaaday. Sidaa awgeed loo baahanyahay In ay Ardaydu Bixiyaan Lacagta  oo dhammaystiran” ayaa lagu yidhi qoraalka.

.

Hase yeeshee qoraalka oo lagu muujiyay shax tilmaamaysa Lacagta Jaamacadda iyo qaybaha kala duwan, ayaa si cad u muujinaya in la kordhiyay , taas oo isla qoraalka lagu sheegay waxyaabaha uu ka tarayo horumarka iyo Tayadda Jaamacadda ee dhinaca waxbarashadda. Sida lagu sheegay Shanta qodob ee hoos ku qoran oo u dhignaa sidan:-

1.in ay Jaamacaddu si hagar la’aan ah u bixin karto kharashaadka shaqo-maalmeedka, iyo mushaharooyinka shaqaalaha (Mamul iyo Macalinba), soo jiidato dadka aqoonta leh.

2. In la tayeeyo adeegyada ardayga logu tallo  sida :kalaasyo ku filan, kuraasi munaasib ah, library, lababka Science, Cumputerada, Projectorada, iyo garoomada Ciyaaraha

3. in ay kor u qaaddo daryeelka shaqaalaha, kobcinta xirfaddooda,  iyo dayctirka dhismayaasha iyo qalabka jaamacadda.

4. in jaamacaddu ka baxdo dakhliga ka hooseeya Kharashka (Deficit)

5. in kor loo qaaddo bilicda guud ee jaamacadda sida: dhiraynta, waddeynta, iyo sameynta goobaha nasashada.

Qoraalka iyo shaxda lagu sharaxay lacagta halkii Semester Ardayda laga qaado, waxa ku saxeexnaa Prof. Cadbisalam Yasiin Maxamed oo ah Guddomiye ku-xigeenka Akademiga iyo Ardayda ee Jaamacadda Hargeysa, balse wax aka muuqda qoraalka iyo shaxdiisa waxyaabo is burinaya, ama iska hor imanaya, kaas xagga hore lagu sheegay in aanu jirin wax lacag ah oo lagu kordhiyay Ardayda Labaad ee Jaamacadda, balse waxa taas beeninaya shaxda qoraalka ku lifaaqan iyo qayb ka mid ah geba-gebada qoraalka oo lagu qodobeeyay faa’idada Jaamacadda iyo Ardayda ugu jirta lacagta la kordhiyay.
jaamacaddafiiga
Ardayda Jaamacadda Hargeysa ayaa qaarkood shalay markii ay dareen cabasho ah kaga jawaabeen lacagta lagu kordhiyay Ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen, waxaana xidhan ilaa Kontoneeyo ka mid ah Ardaydaa, kuwaas oo weli ku jira Saldhigyada Ciidanka Booliska Hargeysa maalintii Labaad.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *