Hargeysa(ANN)Wefti ka tirsan xukuumadda Somaliland, labada gole baarlamaan, siyaasiyiin ka socda axsaabta qaranka, madaxdhaqameed iyo ganacsato ayaa u kicitimay saaka dalka Djibouti si ay uga qaybgalaan aaska Gudoomiyihii Baanka

DJibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo shalay ku geeriyooday cusbitaal ku yaal dalka Kenya.

Wefdiga Somaliland ee ka qaybgelaya aaska qaran ee loo samaynayo Marxuumka oo ay ku jiraan shan Wasiir, waxa Hoggaaminaya Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland  C/Casiis Maxamed Samaalle, kuwaas oo maanta diyaarad khaas ah u raacay dhinaca dalka Djibouti si ay uga  qayb
galayaan aas qaran oo loo samaynayo Allah ha u naxariistee Guddoomiyihii Baanka dhexe ee Djibouti
Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo xalay ku geeriyooday cisbitaal ku yaala magaaladda Nairobi.

Weftiga ka socda Somaliland waxay Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladda gaadhsiinayaan dhambaal tacsi ah oo ay ka sidaan madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Xubnaha wefdiga Somaliland ee xukuumadda ayaa kala ah marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha dibada  Maxamed Cabdilaahi Cumar, Warfaafinta, Abiib Diiriye Nuur, Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, kuwaas oo ka wakiil ah Madaxweynaha, shacabka iyo dawladda Somaliland ayaa kala qayb qaadan doona shacabka iyo dawladda dariska ah ee Jabuuti Aaska qaran ee loo samaynayo marxuumka.

MarxuumJaamac Maxamuud Xayd, wuxuu kasoo jeeday qoys caan ka ah dalka Djibouti, isla markaana taariikh facweyn ku lahaa. sidoo kalena waxaa aad looga yaqaanay Marxuumka Somaliland oo qoyskoodu asal ahaan kasoo jeedaan. Marxuumku wuxuu muddo tobaneeyo sanadood ah ahaa Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Djibouti waxaana lagu majeeran jiray inuu ahaa nin karti iyo aqoon leh oo ka adkaa shaqadiisa, isla markaana si weyn usoo dhowayn jiray dadka Soomaalida oo deeqsi ah.

Dad badan ayaa markii ay maqleen geerida Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ka murugooday, kuwaas oo qaarkood aanay ilaabi doonin doorkii uu ku lahaa dalka Djibouti iyo waxtarkii bulshada Soomaalida,

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa u tacsiyeey shacbiga dalka Djibouti. dhanbaal kasoo baxay qasiraga Madaxtooyada Somaliland oo tacsi ah ayaa u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa xukuumada iyo shacbiga Jabuuti oo uu ka tacsiyadaynayo geeridii ku timid ALLE HA U NAXARIITSEE MARXUUM JAAMAC MAXAMUUD XAYD oo ahaa gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee wadanka Kiniya oo xaaladiisa caafimaad darteed loo geeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidoo kale waxa uu ka tacsiyadaynayaa geeridaasi eheladii iyo qaraabadii marxuum jaamac Maxamuud Xayd, waxa uu illaahay uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo eheladii iyo shacbiga jabuutina uu samir iyo iimaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Sidoo kale bahda shebekada araweelonews iyagoo ka tiiraanyaysan geerida marxuum Jaamac Maxamuud Xayd waxay tacsi taa la mid ah u dirayaan shacbiga dalka Djibouti iyo qoyskii, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay Marxuumku, waxayna Illaahay uga baryayaan inuu janadii fardawsa ka waraabiyo Marxuumka, Qoyskii , Ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *