Sanca(ANN) Ciidamada Ilaalada Badda ee dalka Yamen ayaa gacanta ku dhigay Markab sitay Calanka Dalka Malta, kaas oo xeebta dalka yamen ku daadiyay Caagag ay ku jirto sunta qashinka wershedaha ee dareeraha ah. Sidaana waxa saxaafada u sheegay
Tiliyaha ciidamadda Ilaalada Xeebaha dalka Yamen, Cali Axmed Raaficin qacwa.
Markabkaa oo siday Badeecado wuxuu si sharci ah ugu soo xidhtay Dekedda magaalada Cadan, isagoo halkaa ka shiraacday maalintii Jimcihii ee todobaadkan. Kadib markii laga dejiyay badeecadii uu siday ayaa usii jeeday dhinaca Gacanka cadmeed, balse markii uu marayay meel qiyaastii 30 mayl u jirta dakedda magaalada Caddan ayaa Qoor Umayra oo ka tirsan xeebta gobolka ku daadiyay ilaa labaatan haamood oo loo malaynayo inuu ku jiro qashinka dareeraha ah ee Sunta, taas oo waxyeelo weyn u geysanaysa Noolaha ku jira Biyaha Badda.
Ciidamadda Badda ee dalka yamen ayaa ku ogaaday aarintaa sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Illaada Xeebaha markii ay ku arkeen Raadaarka waxyaabaha uu daadinayo markabku, kuwaas oo gacanta kusoo dhigay Markabkaa, isla markaana dib ugu soo celiyay Dekedda Magaalada Caddan si baadhitaan loogu sameeyo, iyadoo durbadiiba kiiskaa loo gudbiyay Xeer Ilaalinta dalka yamen si loogu soo oogo denbi, isla markaana loo mariyo ciqaabta sharciga u yaala dalka Yemen.
Dawlada Yemen waxay sheegtay inay suurta gal tahay inuu markabku doonayay inuu qashinkaa ku daadiyo xeebaha Badda Somalia oo aan lahayn illaalo, isla markaana inta badan lagu daadiyo qashin sidan oo kale ah.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380