jidgooyo loo galay maanta iyagoo usii jeeda dhinaca Magaalada Beled Weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya khasaaraha weerarkaa iyo cida ka danbaysay, balse Hawlgalka Jidgooyada oo ka dhacay duleedka Kala-baydh ayaa la sheegayaa in ay sameeyeen Al-shabaab, waxayna qaar ka mid ah warbaahinta taageerta kooxda Al-shabaab shaaciyeen in gaadhi ka mid hakuwa ciidamada lagaga gubay Ciidanka Djibouti.
Sidoo kale Qaraxan ayaa lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawlada ku meelgaadhka ah eek u sugan Jawhar, kaas oo sababay sida ay sheegayaan wararku khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaa ay ku dhinteen lab aka mid ah Ciidanka Dawlada, isla markaana tiro kale dhaawac kasoo gaadhay.
Qaraxaa ayaa loo qabtay dad looga shakiyay in ay lug ku lahaayeen, waxayna Ciidamada Amaanku hawlgalo ay sameeyeen qaraxa ka dib xidheen ilaa shan qof rayid ah.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com