images/stories/askari wiil yar oo tahriibayaasha ka mid ah ku taagan.jpg Hargeysa(ANN) Ciidamada Booliska ee dalka Zambia ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro kor u dhaafeysa 37 ruux oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian, kuwaas oo doonayay inay dalkaa uga sii gudbaan dhinaca dalka South Africa, waxayna ciidamadu ku qabteen dhalinayaradaa kadib howlgalo ay ka sameeyeen xadka wadanka Zambia, kuwaas oo ay u taxaabeen xabsiyada dalkaa.
Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska ee dalka Zambia ayaa sheegay in dadka dhalinayarada ah ee ay qabteen 30 ka mid ah yihiin dhalinyaro Soomaali ah, halka 7-da kalena ay u kala dhasheen Wadamada Erirea iyo Ethiopia, kuwaas oo uu sheegay inay baadhitaano ku samaynayaan sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka qaarkood.
Sidoo kale Ciidamada Booliska ee Zambia waxay gacanta ku dhigeen ganacsato Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen inay dhalinyaro Soomaali iyo Ethiopian ah u kala gudbinayeen wadamada Zambia iyo Koonfur Afrika, waxaana dadkaa ganacsatada ah xabsiyada Magaalada Lusaka ee dallka Zambia.
Ciidamada Booliska ee dalka Zambia oo mudooyinkii u dambeeyay heegan buuxa la galiyay wixii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Magaalada kampala ee Xarunta wadanka Uganda, waxay wadeen baadhitaano dheeraad ah iyo inay indho gaara ku eegaan dadka Soomaalida ah. Maadaama ay inta badan halkaa maraan dhalinyaro doonay inay usii gudbaan dhinaca Koonfur Afrika oo ay ku galaan socod tahriib lug ah, balse wixii ka danbeeyay qaraxyadii dhowaan ka dhacay Kanbala waxa soo waajahay tahriibayaasha dhibaatooyin ay kala kulmaan ciidamada iyo bulshada wadamada ay sii maraan.
iyadoo ay jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo mudooyinkii u danbeeyay lagu xidhay xabsiyada dalalka Zambia, Yugandha, Zimbabwe Mozambique, Botswana iyo meelo kale, kuwaas oo ciidamada kala kulama jid dil garaacis oo mararka qaar si xus ay ciidamadu u garaacaan, waxaana inta badan la qabtaa dhalinyaradaa iyagoo doonayay inay u tahriibaan dhinaca dalka South Afrika ee ay wadamadaa usii maraan.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com