Brussels(ANN) Dr. Charles Tannock Oo ah Af-hayeenka Kooxda Siyaasada Arrimaha Debeda Ee Midawga Yurub u qaabilsan siyaasada debeda, isla markaana ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Britain ee xisbiga Conservatives una ololeeya sidii dib u habayn loogu samayn laahaa
siyaasda midawga Yurub ee ku waajahan aduunka, isla markaana looga saari lahaa meesha xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha iyo iska hor imaadayada ayaa sheegay inuu Raysal wasaaraha dalka Ethiopia ugu baaqay inuu qaado talaabo ku wajahan sidii ay Ethiopia u hogaamin lahayd sidii loo meel marin lahaa qadiyadada madax banaanida Somaliland.Dr. Charles Tannock waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu soo saaray Brussels maalintii shalay kadib kulan uu xarunta dalka Ethiopia 1 Sep, 2011 kula yeeshay Males Zenawi , wuxuuna isagoo arrintaa ka hadalaya yidhi, “ waxaan rajaynayaa Prime Minister Zenawi inuu si dhab ah uga fiirsando sidii uu talaabo hore ugu qaadi lahaa madaxbanaaninda iyo aqoonsiga Somaliland, Ethiopia waa inay qaadataa hogaaminta aqoonsiga Somaliland oo ah wadan ay gumaysan jirtay Mustacmaradii Britain, haatana ka go’ay soomaaliya inteeda kale .” ayuu yidhi, Dr. Charles Tannock MEP oo u hadlayay kooxda European Conservatives.
Wuxuuna xusay inay Somaliland tahay meel degan oo dhisan, isla markaana leh awood maamul oo fur furan oo ay Ethiopia ka dhexeeyaan siyaasad ahaan iyo dhaqaalle ahaan . sidaa awgeed waxa uu sheegay inay wadamo baddan oo Afrikaan ah iyo kuwa yurub iyo maraykanku (AU and USA) ay taageeraan qadiyada madaxbanaanida Somaliland , balse aanay inta baddan midawga Afrika ay qaadaan dhaqaaqii u horeeyay ee xoriyada South Sudan oo ah wadan cusub oo hada qaatay madabanaanidiisa iyo xoriyadiisa, kaas oo sida Somaliland xoriyadeeda u doonayay mudo dheer.
Waxa mudanuhu tibaaxay in dalal waaweyn oo Midawga Afrika ka tirsan, midawga Yurub iyo Maraykanku ay taageersan yihiin madaxbannaanida, balse waxa uu sheegay in aanay jirin dal weyn oo Midawga Afrika ka tirsan oo weli ku dhaqaaqay taageeradda aqoonsiga Somalilands. Waxa kale oo mudanuhu tibaaxay in dawladda cusub ee Koonfurta Suudaan ay doonayso inay aqoonsato Somaliland iyada oo taasna abaalcelin uga dhigaysa taageeradda mudada dheer xilligii halganka Somaliland la barbar taagnayd, isaga oo tilmaamay in taariikhiyan Somalailand hore u ahayd wadan madaxbannaan oo la aqoonsaday markii ay xornimada ka qaateen Boqortooyadii Ingiriiska. 1960. Balse ay la midoo Koonfurta Somalia oo Taliyaanigu gumaysan jiray. Sidaa awgeed aanayd Somaliland doonayn inay mar kale la midoobaan Somalia wixii ka danbeeyay 1991.
Somaliland waa wadan Islaam ah oo fur furan, isla markaana waa buslsho yar oo samaysay dhaqaalle xooggan oo fur furan leh, waxaana jira calaamado muujinaya inay leedahay khayraad dihin oo dhinaca saliida iyo Batroolka ah, kuwaas oo aasaas u noqon kara inay yeelato awood dhinaca wershedaha Nucluyeerka ah, iyadoo Midawgii soviet magaalada Berbera ka samayeey saldhigyo muhiim ahaa, waxayna Dumuqraadiyada ka jirta halkaasi ahmiyad weyn u leedahay geeska Afrika, taas oo haddii aanay helin caawimo ay wx yeeli karaan kooxaha kasoo horjeeda nidaamkaa ee ka jira Somalia sida Al-shabaab.
Dr Tannock waxa uu sheegay in Somaliland tahay dal degen oo xasiloon, dhaqaalle ahaaana soo koraya, kaasi oo si aad ah uga duwan dalka guuldaraystay ee ay ay ka taliso dawladda taagta daran ee xataa awoodi weyday inay maamusho magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay in kooxda Al-shabaab fara baas ku hayso mamaulka taagta daran ee Sheekh Shariif ee Somalia.
“Dawladaha reer galbeedku weli may dareemin inay ku dhawaaqaaan in Somaliland tahay dal madaxbannaan oo Afrikaan ah, kaasi oo hoggaaminaya dhinaca dimuqraayiada iyo xasiloonida, isla markaana yahay mid kaalin weyn ku leh degannaansha ka soo koraysa mandaqada Geeska Afrika. Dawladda Ethiopia waxay awood u leedahay inay hoggaanka u qabato mar labaaad aqoonsiga Somaliland, iyada oo ogata in dalal baddan oo Afrikaan iyo reer Yurub ahiba dariiqeeda oo kale raaci doonaan, kuna dhawaaqi doonaan madaxbannanaida Somaliland.” Ayuu xildhibaanka Ingiriiska ahi.
Wuxuuna intaa ku daray oo yidhi; “Somaliland waxay Ethiopia wehel ugu noqon dontaa nabadgelyada iyo barwaaqada, madaama labada dalba ku yaalaan mandaqad aan xasiloonayn.”
Contact: +32 228 45870
ECR Press Office – James Holtum – +32 473 861762
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com