Hargeysa (Araweelonews)-Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday sagaal qof oo loo haystay qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool dabayaaqadii sannadkii hore, kuwaas oo lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Col, Cismaan Yuusuf Nuur, waxayna Maxkamaddu dil toogasho ah ku xukuntay Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool Cabdifataax Muuse Yuusuf, Maxamed Axmed Abgaalow iyo Eedaysane Cabdirashiid Yuusuf Buraale oo aan maqane ahaa,

Garsooraha Dacwada qaaday Cismaan Ibraahin Daahir oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda waxa kaloo uu sheegay inay Maxkamaddu xukuno kala duwan ku riday dadkii dacwadaa loo haystay, iyadoo laba Eedaysane oo kala ah Cabiqaadir Cabdi Xasan iyo Cabdirashiid Axmed Warsamme midkiiba 15 sanno (shan iyo toban sanno) oo xabsi ah ku xukuntay, halka Eedaysane Maxamed Jaamac Ducaalle lagu xukumay 8 sanno (sideed sanno).

Iyadoo Afar ka mid ahaa Eedaysanayaasha Maxkamaddu amartay in xoriyadoodii loo sooceliyo, kuwaas oo u kala dhashay dalalka Ethopia iyo Ertria.

Guddoomiyaha Maxkammada Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Daahir ayaa sheegay inay ku caddaatay dadka la xukummay inay ka danbeeyeen shirqoolkii lagu dilay Taliyaha qaybta 12-aad, sidaa awgeed ay xukunkooda u addeegsadeen shareecada Diinta Islaamka iyo qodobada Xeerka Ciqaabta guud ee tilmaamaya dadka ku kaca falalka noocaa ah.

Dacwada oo mudo laba todobaad ah dhegeysigeedu ka socday hool ku yaala Xabsiga Magaalada Mandheera ee gobolka Saaxil, waxa kasoo qaybgalay qareenada u doodaya Eedaysanayaasha , Ehelada Marxuumka shirqoolka lagu dilay iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka ee uu ka tirsanaa.

Araweelonews,/Office Hargeysa .

By, Carraale M. Jama

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *