Wasiirkii Wasaaradda warfaafinta Somaliland Muj. Cabdi Yuusuf  Ducaale Boobe ayaa xilka  laga qaaday maanta. iyadoo wasaaradda loo

magcaabay 14 March 2012. kadib markii uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyay isku shaandhayn iyo magcaabis ay xilkooda ku waayeen qaar ka mid ahaa xubnihiisa golaha wasiiradda ee ugu miisaanka cuslaa, isla markaana ka mid ahaa xukuumaddii ugu horaysay ee uu Madaxweyne siilaanyo dhisay markii uu ku guulaystay doorashada Madaxtooyada 2010.
Hase yeeshee wasiir Boobe oo magcaabista iyo xilka wasaaradda warfaafinta ay qaybo badan oo rayal caamka bulshada ka mid ahi soo dhoweeyeen, waxa markiiba soo waajahay mushkilado siyaasadeed oo ku xeernaa wasaaradda, kuwaas oo muujinayay inuu jiro khilaaf casaabado iyo kooxo isku xidhan iyo kuwo iska soo horjeeda oo curyaamiyay wasaaradda. sidoo kalena musuq-maasuq hadheeyay wasaaradda oo la rumaysanyahay inuu xidido adag haysto, isla markaana lala xidhiidhinayay masuuliyiinta ka horaysay Boobe, ayaa hantidhawrka guud si gaara ugu bartilmaameedsaday, kuwaas oo sababay in xabsiga loo taxaabo Agaasimhii Xisaabaadka Telefishanka qaranka, balse Muj. Boobe ayaa ku dooday in baadhista hantidhawrka looga faa’idaystay arrimo siyaasadeed oo aanu waxba ka ogayn hawsha baadhista. sidaa awgeed uu ku dooday in hantidhawrku sameeyo baadhis ku waajahan dhamaan waaxaha ay wasaaraddu ka koobantahay, balse aan si gaar ah loogu bartilmaameedsan cid gaara.
laakiin khilaafka ka dhashay arrintaa, ayaa abuuray inay xaaladu faraha ka baxdo, waxaana khilaafka ka dhashay arrintaasi gaadhay madaxtooyadda oo soo faragelisay murankaa, taas oo ugu danbayntii loo arkay xal in lasoo daayo agaasimaha xisaabaadka ee Telefishanka, isla markaana la joojiyo baadhista wasiirku ku dalbaday in dhamaan waxaaha wasaaradda uu hantidhawrka guud galo, balse mar kale ayaa khilaafka ka taagnaa wasaaraddu dib u bilaabmay todobaadkii hore, kaas oo kusoo beegmay xili wasiirka warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale ku maqnaa safar uu dhinaca dalka Koonfurta Soodaan ugu baxay. hase yeeshee wasiir Boobe oo todobaadkan kusoo laabtay dalka, ayaa la kulamay khilaafkii iyo murankii oo dib uga bilaabmay wasaaradda, wuxuuna taa bedelkeeda ku go’aansaday inuu xilalkii ay hayeen ka qaado oo shaqada ka eryo Agaasimihii Telefishnaka Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul iyo gudoomiyihii Dawan Seyid Cismaan Mire, taas oo muran ka dhex abuurtay Wasiirka iyo madaxtooyadda, balse Muj Boobe ku adkaystay inaanu shaqada ku celinayn labadaa masuul ee uu xilka ka qaaday. sidaa awgeed uu Madaxweynuhuka qaado xilka isaga, taas oo sababtay in maanta laga qaado xilka wasaaradda warfaafinta oo uu hayay wax ka yar 5 bilood. 
Muj. Boobe oo ah aqoonyahan halgamaa ah, isla markaana ah qoraa, wuxuu ka mid ahaa todoba qof oo ahaa aasaasayaasha xarunta Akademiga nabada iyo cilmibaadhista oo la aasaasay dhawr iyo sagaashankii, taas oo uu madax ka ahaa ka hor intii aan xilka loo magcaabin dhawr bilood ka hor. Muj. Boobe oo mudo kooban joogay wasaaradda, waxa magaacista xilkaa madaxweynuhu u magcaabay ahaa mid si weyn loo soo dhoweeyay, inkasta oo Boobe mudadii koobnayd ee uu joogay wasaaradda warfaafinta la kulmay khilaafaad iyo maamulxumo hadhsay wasaaradda, hadana wuxuu mudadaa muujiyay waxqabad, isagoo dib u habayn iyo qurxin ku sameeyay dhismayaasha wasaaradda,isla markaana isuku deyey inuu qaab dhsimeedka wasaaradda ee dhinaca maamulka oo liitay saxo, taas oo rajo iyo yididiilo gelisay qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha iyo hawlwadeenada wasaardda.sidoo kale wuxuu ka shaqaysiiyay Idaacada cusub ee xukuumaddu hore u balanqaaday oo ay wasiiraddii isaga ka horeeyay ku guuldaraysteen inay rakibaan, taas oo hada maamlmihii u danbeeyay ku jirtay tijaabo, isla markaana laga dhegeystay meelo badan oo dalka gudihiisa iyo debediisaba ah.
Muj. Boobe waxay dad badani u arkayeen inuu yahay masuul doonaya inuu maamul ahaan iyo hay’ad ahaanba muujiyo karaamada wasaaradda muhiimka ah ee madaxweynuhu u magcaabay xilkeeda,  balse ka sokow khilaafka iyo mushkiladaha uu ugu yimi wasaardda ee ku xeernaa, waxa iyana muuqatay dagaalo siyaasadeed oo qaybo kale oo ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda kala kulmay, kuwaas oo mararka qaar saxaafada loo marinayay, waxayna dhamaan arrimahaasi sababeen inay ugu danbayntii duufaanada ka horyimi ee siyaasadeed iyo casaabadaha isku xidhani Muj. Boobe dhaafiyaan xayndaabka, taas oo rayal caamka Bulshadu xilka qaadistiisa ku tilaameen mid lama filaan ah oo raad ku yeelanaysa xayndaabka siyaasada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee xilagan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *