Hargeysa(ANN) Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa ku ganafka ku dhuftay koox wasiiro xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u saartay garsoorka dhowaan

 

oo doonayay inay saaka kula kulmaan xafiiskiisa, balse xubnaha Wasiiradda ah, ayaa loo diiday inay galaan xafiiska Gudoomiyaha. kadib markii uu gudoomiyuhu ganafka ku dhiftay kulankooda, isagoo ku tilmaamay mid aan waafaqsaynayn madaxbanaanida nidaamka garsoorka Somaliland. sidaa awgeed ay hawshooda qabsadaan. dad goob joog ah oo ka mid ah dadka kiisasku kaga jiraan maxkamadda ayaa u sheegay weriye ka socday shebekadda Araweelonews oo tegey maxkamadda sare waxyar ka dib inuu muran dhexmaray xubnaha wasiiradda ah ee yimi saaka dhismaha Maxkamadda sare iyo gudoomiyaha, taas oo khasab ku noqotay inay ka baxaan dhismaha Maxkamadda sare.

 

Gudoomiyaha ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo sababta keentay khilaafka xubnaha wasiiradda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u saartay dhowaan garsoorka iyo cadaaladda dalka, balse talaabada ay xukuumaddu qaaday, ayaa abuurtay muran dhinaca sharciga ah, iyadoo dadka sharciyaqaanka ahi ku tilmaameen arrintaa faragelin waaxda fulinta oo xukuumadda loo yaqaan ku samaynay waaxda garsoorka oo ah Hay,ad madaxbanaan. laakiin xubnaha wasiiradda ah oo ka kooban afar xubnood oo uu hormood u yahay wasiirka caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa hore ula kulmay gudida cadaalada, kuwaas oom warbixin ka bixiyay arrimaha garsoorka iyo cadaaladda.

laakiin doodaha ka dhashay xubnaha wasiiradda ah ee xukuumaddu u magcawday garsoorka, ayaa debeda usoo saaray khilaaf ka dhex aloosan wasiirka caddaaladda iyo gudoomiyaha Maxkamadda sare oo mudooyinkii u danbeeyay soo jiitamayay, kaas la xidhiidha awoodaha iyo xuduudaha shaqo ee ay kala leeyihiin.

sidoo kale khilaafka ayaa hada saamayn ku yeeshay dhamaan garsoorayaasha maxkamaddaha iyo dadka ka hawlgala hay,addaha garsoorka, taas oo keentay inuu wasiirka Cadaaladdu soo saaro qoraalo iyo awaamiir uu ku socodsiiyay Hay,addaha garsoorka oo ku sheegayo in qareenada ka hawlgala maxkamaddaha dalka ay qaataan ruqsado cusub, qoraalkaa oo ku taariikhaysan 28 August 2012, wuxuu wasiirku ogaysiin ku siiyay dhamaan Haya,addaha garsoorka, isagoo ku sheegay inaan la aqbalayn dacwadaha ay galaan qareenada aan sidan ruqsadaha cusub, isla markaana talaabo laga qaadayo garsooraha dacwad noocaa ah gala.

hase yeeshee qaar ka mid ah qareenada ka hawlgala maxkamaddaha ee dhinaca Hay,adda garsoorka, ayaa arrintaa ku tilmaamay mid aan waafaqsayn xeerka nidaamka garsoorka ee dalka, isla markaana ka hor imanay dastuurka, iyagoo ku eedeeyay wasiirka caddaaladda inuu wado faragelin qaawan oo dhinaca madaxbanaanida garsoorka ah. waxayna qaar ka mid ah qareenada arrintaa ka cadhooday ku doodeen inay jawaab sharci ah ka bixinayaan faragelinta qaawan ee lagu soo qaaday garsoorka dalka.

si kastaba ha haatee waxa dhacdooyinka muranka iyo khilaafka u dhexeeya Garsoorka iyo wasiirka Cadaaladdu muujinayaan faragelinta dhinaca xukuumadda oo ah hay,addii fulinta oo doonaysa inay la wareegto garsoorka oo ah hay,ad dastuurku siiyay madaxbanaanineeda oo la siman fulinta iyo sharci dejinta oo sadexda waaxood dastuurku mid walba siiyay awoodeeda iyo madaxbanaanideeda.

Araweelonews Mobile

E.mail info@araweelonews.com

Jaamac132@gmail.com

shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *