i Hargeysa(ANN) Qiimaha sarifka dollarka ayaa si weyn u kacay labadii maalmood ee u danbeeyay suuqa sarifka lacagta ee magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan suuqa ugu weyn ee magaalada hargeysa, wuxuuna qiimaha dollarku gaadhay halkii dolar 5900 s/l sh. Iyadoo qiimaha dolarku ahaa

 

dhawrkii bilood ee u danbeeyay  oo qiimaha halkii dollar marayay inata u dhaxaysa 5000 s/l sh  ilaa 5200 s/l sh, taas la kowsatay bilawgiiba bilihii u horeeyay ee Xukuumadda cusub, isla markaana hoos u dhaca  qiimaha sarifka dollarka oo abuurtay  sixir barar aan waxba iska bedelin qiimaha badeecada.
Hase yeeshee Xukuumadda Somaliland oo isku dayday inay xakamyso dhaqdhaqaaqa suuqa sarifka lacagta dollarka ee aan waxba ka bedelin maceeshadii  ayaa u muuqatay inay ku jaah wareertay. 
Korukaca ku yimi qiimihii Dollarka ayaan ilaa hada la garanayn waxa sababay hase yeeshee qaar ka mid ah Sariflayaasha ka ganacsada lacagaha ayaa ku sababeeyay inuu suuqa soo galay kaash badan oo shilling Somaliland ahi,  isla markaana ay  yaraatay lacagtii badnayd ee Dollarka ahayd.

Sariflayaashaa ayaa  waxay ku sababeeyeen yaraanshaha lacagta Dollarka inay ugu wacan tahay lacagtii adkayd ee Adhiga lagu iibsan jiray oo yaraatay kadib markii ay ganacsatadii Adhigu ka baxday Sayladihii Xoolaha iyo arrinta labaad oo ah Dolarkii loo sarifi kiray badeecadaha  laga soo Cashuurayo Dekedda Berbera oo aan jirin taas oo ka dhalatay Dekedda oo aanay ku xidhnayn wax Maraakiib ahi. Marka laga reebo Markab koontiinaro sida oo maalmihii u danbeeyay  ku soo xidhay Dekedda Berbera kaasoo aan ilaa hada laga  rogin badeecadihii uu siday.

Aragtiyo kale ayaa kor kaca Dollarka dusha ka saaraya Ganacsatada waaweyn oo iyagu bilawgii Xukuumadda cusub ee Siilaanyo xilka la wareegtay urursatay   lacagta Shilling Somaliland, taas oo ay bakhaaro ku xeraysteen, isla markaana ay xiligan suuqa ku soo daayeen lacagtii badnayd ee Shilling Somaliland oo  ay   hore u  kaydsanayeen kadib markii ay ogaadeen inay Xukuumaddu dhawaan Dalka keenayso lacagtii ay soo daabacatay, taas oo ay ka sii ordayaan inay ku jabiso macaashkii ay doonayeen inay ka helaan lacagaha ay kaydsanayeen.

Qiimihii sarifka Dolarka oo labadii maalmood ee u danbeeyay laga dareemayay Suuqyadda Sarifka ayay dadweynuhu jahawareer ka qaadeen, waxaana dadka aan la socon loogu sarifayay $100 ee ay sitaan shan boqol iyo labaatan kun ama wax ka hooseeyaba taas oo ay ku waayayaan lacag baddan,  marka loo eego halkii uu xalay marayay oo ahayd 590, 000(shan boqol iyo sagaashan  kun) oo shilling oo u dhiganta in  halkii dollar $ 1 ku qiimaysan yahay 5900 s/l shilling ah. Waxyna dhaqdhaqaaqa sarifka lacagta dollarka ee xiligan sida lama filaanka ah u booday si weyn u iftiiminay kooxo ganacsato ah oo dhawrkii bilood ee u danbeeyay ku jiray dagaal dhinaca dhaqaallaha ah oo ku wajahan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxyna kooxahani bakhaaro ku kaydsadeen lacagta shilnka Somaliland, iyagoo doonayay inay jaah wareer dhinaca dhaqaallaha ah ku ridaaan dalka, isla markaana waxay hada u muuqataa inay soo saareen lacagtii lagu xereeyay bakhaarada, taas oo ay doonayaan inay ku urursadaan dollarka oo ay qiimihiisa kiciyaan si ay dadku u sariftaan. Kadibna lacagta kaashka ah uga faaruqiyaan bakhaarada ay ku xeraysnayd ka hor ina aanay xukuumaddu suuqa soo gelin lacagta cusub ee ay dalbatay daabacaadeeda, taas oo ay si weyn uga cabsi qabaan kooxaha ganacsatada ahi inay saamayn ku yeelato.

Si kastaba ha ahaatee waxa la gudboon Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay waajahdo fawdada iyo burburka dhaqaalle ee ay doonayaan kooxo tiro yari inay ka sameeyaan dalka, isla markaana abuuraan sixir barar inay inay jaah wareeriyaan suuqyada sarifka lacagaha oo saamayn weyn ku yeelanaya maceeshada iyo nolosha bulshada Somaliland ee danyarta ah oo xiligan la il daran dhaqaalle xumo,  sixir barar,  abaaro iyo biyo la’aan saamayn ku yeeshay nolosha xoolaha iyo dadka.

Araweelonews  Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *