Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa maanta safar ugu ambabaxay Caasimada Dalka Ethiopia ee Addis-Ababa. Madaxweynaha waxa socdaalkiisa ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha dibada

 

Maxamed Cabdilaahi Cumar,  Wasiirka Arrimaha Guddaha
Maxamed Nuur Caraale (Duur) Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Marwadiisa Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka hor intii aanu ka dhoofin Madaarka Cigaal Interactional Airpot ee Magaaladda Hargeysa, wuxuu sharaxaad kooban ka bixiyay ujeedada safarkiisa, wuxuuna  Warbaahinta u sheegay in socdaalkiisu qayb ka yahay kulamo ay labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia ay kaga wada hadlayaan  iskaashigooda iyo danohooda.
Madaxweyne Siilaano waxa kale oo uu sheegay inuu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta sar-sare ee dawlada Ethiopia, isla markaana ay wada hadli doonaan cilaaqaadka labada dal, wuxuuna  isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,   “Waxaanu safar ku tagaynaa dalka  Ethiopia,  halkaas oo aanu kula kulmi doono Raysal wasaare Males Zenawi. Ethiopia waa dal aynu saaxiib nahay oo aynu jaar nahay, kolay markaynu mudo joognana dhaqankeenu waxa uu ahaa inaynu ka wada hadalno arimaha mandaqada ku soo kordha oo aanu ka wada tashano wixii dana ee labada dal khuseeya, waana Safar aanu kaga wada hadli doono wixii danta labada dal ku jirto”

https://webmail.one.com/hig/imap/info%40araweelonews.com/INBOX/1211/4?uidval=1268568853
Madaxweynuhu waxa uu intaa ku daray i nay xukuumaddiisa ka go’antahay oo marar baddan oo horena sheegtay inay cidii tabasho qabta ama wax tirsanaysa u fudinayso gogol nabadeed, gaar ahaan tabashooyinka deegaanada Sool iyo Buuhoodle isagoo yidhi, “Waxaan jecelahay inaan mar kale ku celiyo oo aan ku  baaqo in Somaliland ay diyaar u tahay inaanay shacbigeeda mar-na dhibaato soo gaadhin ee ay diyaar u tahay go-goshii aanu waligayo fidinaynay ee aanu walaalahayaga gobolada bari u fidinaynay aanu u fidino oo aanu wada hadal, wanaag iyo is af garad ku dhamayno wixii arimo ah ee yimaada nooc kastaba ha ahaadeene, taasina mid aanu ka hadhayno maaha kama-na gaabinayno waana mid aanu mar walba diyaar u nahay”
Madaxweyna Siillaanyo mar la weydiiyay inay daw;ada Ethiopia ay ka wada hadli doonaan kooxda  Cali Khaliif Galaydh oo halkaas (Ethiopia) ku sugan,  isagoo uu yidhi,  “Xidhiidha Somaliland iyo Ethiopia waa mid aad u adag oo aad u wanaagsan waana kaa aanu had iyo jeer isku arkayno ee aanu ilaalinayno, arimaha la xidhiidha Cali Khaliif ama cid kale wixii  danta somaliland ku jirto waanu ka  wada hadli doonaa  dawlada Ethiopia”
Dhinaca kale warar la xidhiidha safarka Madaxweynaha Somaliland maanta  ilaa caawa kulamada masuuliyiinta dalka Ethiopia bilaabayo, iyadoo booqashadan kadib uu dalka kusoo laaban doono si uu ugu diyaar garoobo safarka dalka Britain ee shirka lagaga hadlayo mushkilada Somalia, kaas oo baarlamaanka Somalialnd shalay kasoo saareen go’aan ogolaanaya in laga qaybgalo, isla markaana ay taageereen axsaabta qaranka, ururada siyaasada, kuwa bulshada iyo madaxdhaqameedka Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *