Cabdi CawilHargeysa(Arraweelo News Network) Agaasimihii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdiraxmaan Cawil Xasan, ayaa ku tilmaamay dhismaha wadada Ceergaabo ee gobolka Sanaag

 

Jidka Rajadda Somaliland, wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka in aanay dano gaar ahaaneed ku bur-burin rajooyinka shacabka iyo waxqabadka xukuumadda Madaxaweyne Siilaanyo.

Cabdiraxmaan Cawil waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu kaga hadlay siyaasada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo eek u waajahan dhismaha dalka iyo horumarka, isagoo sidoo kalena ku baaqay in aanay mucaaradku manja xaabin waxqabadka iyo rajada bulshada, wuxuuna ammaanay waxqabadka xukuummadda Somaliland, gaar ahaan Dhismaha Wadada Ceerrigaabo oo uu shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan.

Qoraalka Agaasimihii hore ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda  Cabdiraxmaan Cawil ayaa nuxur ahaan u dhignaa sidan; “Marka hore waxaan salaanta Islaamka ku salaamayaa dhamaan shacabka JSL gudo iyo dibedba. Salaamu calaykum warax matulaahi wabarakaatu.

Sida aynu ogsoonnahay muddooyinkii u dambeeyay waxay xukuumadda Somaliland ku dhaqaaqday mashaariic horumarinneed oo dhinacyo badan taabanaya, gaar ahaan anigu waxaan ku bogaadinayaa go’aankii Madaxweyaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ku qaatay dhismaha wadada Ceerigaabo.

Wadooyinku waa laf dhabarta hor-u-marka dalka, waxay sahlaan isu socodka iyo is dhex galka bulshada, waxay kobciyaan dhaqaalaha dalka waxay qayb libaax leh ka qaataan nabadgalyada iyo ammaanka dalka, waxay muujiyaan bilicda magaalooyinka anigoon halkan ku soo koobi karin waxtarka wadooyinku u leeyihiin bulshada waxaan aad u taageeraya dhismaha wadadaas xukuummadu bilowday oo baal dahab ah ka geli doona taariikhda shacabkuna abaal ugu hayn doonaan.

Shacabka Somaliland,ganacsatada, qurbo-joogga iyo cidkasta oo jecel hor-u-marka waxaan ku dhiirigelinayaa inay ka qayb qaataan dhismaha dalkooda, gaar ahaan Wadada Ceerigaabo.

Cullimada, indheer garadka, dhallinyarada, haweenka, ururada, siyaasiyiinta iyo cidkasta oo dhaqaale ku taageeri kari weyda waxaan leeyahay “Ceerigaabo Hoo iyo Hiil-ba way u baahantahay”.hadalkiina ha kala bakhaylina inaad kaga qayb gashaan wacyigelinta dhaqaale-ururinta Jidka Ceerigaabo, oo aan anigu u bixiyay “Jidka Rajada Somaliland”.

Sidoo kale In ka badan sideed wasaaradood oo ay ka mid tahay Wasaaraddii aan Agaasimaha ka ahaan jiray ee Kalluumaysiga oo guryo daalay iyo kuwo kiro ahba ku jiray waxay Xukuummaddu u sammaysay dhismayaal wada cusub iyo dayactir.

Dhalliishu waxay faa’iido u tahay Madaxda xilka haysa, laakiin yaan la mucaaridin waxqabadka oo aan dano siyaasiyeed lagu niyad-jabin Rajada shacabka laakiin waa inay noqotaa mid wax dhisaysa oo aan waxba inaga burburin.” Ayuu yidhi agaasimhii hore  ee wasaaradda kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *