Hargeysa (Araweelo News Network)Munaasibad balaadhan oo lagu maamuusayay Xuska maalinta shuhadada Somaliland ee sanad walba la qabto 17 October, ayaa

 

maanta  si weyn looga xusay dalka, taas oo si weyn looga dareemay xuskeeda magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
17 October 1984 oo ah maalintii loo asteeyay in sanad walba la xuso, iyadoo lagu mideeyay maalintaa shuhudada ku shahiiday  halgankii hubaysnaa ee SNM, waxaana maalintaa loogu xushay  iyadoo ahayd  maalin qadhaadh oo millatariga taliskii Siyaad Barri weerar ku qaadeen degaanka Burco-duuray ee dhinaca Hawdka kaga beegan Hargeysa, taas oo ay ku shahiideen mujaahidiin qaali ahaa oo uu ka mid ahaa Allaah ha u naxariistee Muj. Lixle.

Xuska maalinta shuhadada ee 17 October oo lagu qabtay hoolka Hay’adda shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirrada warfaafinta iyo waxbarashada Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Marwo Samsam Cabdi Aadan, Prof. Cabdisalaan Yaasiin, Muj. Xasan Guure iyo mujaahidiin iyo dadweyne kala duwan oo lagu martiqaaday xuskaas.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo xuskaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey  taariikhda maalinta 17-ka October oo ku beegnayd dagaalkii ugu cuslaa ee dagaalyahanadii SNM ay deegaanka Burco Duurey kula galaan ciidammada dawladdii Soomaaliya sannadkii  1984-kii iyo khasaarihii ka dhashay yahay ka keenay in xuskan loo sameeyo mujaahidiintii SNM, isagoo Muuse Biixi tilmaamay inay muhiim tahay in mar walba la xuso oo la xasuusto mujaahidiintaasi, isla markaana laga war hayo carruurtii iyo dadkii ay ka tageen.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa sidoo kale ayaan-darro ku tilmaamay falalka kufsiga ah ee ku soo badanaya caasimadda Hargeysa iyo falalka dhaqanxumada ah ee wiilasha dhalinyarta ahi kula kacaan hablaha yaryar, arrintaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin qaar majaro habaabinaya midhihii halga SNM.
“Maanta laba dhibaato ina haysta, mid waa Tahriibka, midna waa aafo cusub oo Ilaahay ha innaga nabad galiyee aynaan hore u arag. Waa dambiyada kufsigu ka mid yahay. Waxa ayaan-darro ah in Hargeysa laga soo sheego 300 kufsi ah. Waa masiibo cusub, waa aafo imika innagu cusub oo u baahan inaynu ka dagaal galo. Waa wax wixii aynu u soo dagaalanay majaro habaabinaya, waa wax aanay SNM geyin. Waa wax mujaahidiintii dhintay ka cadhoonayaan in gabadhiii yarayd ee mujaahidku dhalay markay is tidhaahdo tukaanka gaas ka soo iibso guriga hortiisa lagu kufsado,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha KULMIYE , wuxuu hadalada uu xuska maalinta shuhudada SNM ka jeediyey ku sheegay in shacabka reer Somaliland Ilaahay ku guuleeyeen inay muddo yar xornimadooda heleen, dalkoodana ka xoreeyaan taliskii Siyaad Bare, halka dadka reer Falastiin 62 sanno ugu jiraan halganka xorimadooda, ilaa haddana aanay weli xornimo buuxda helin, waxaannu u duceeyey shuhadadii ku shadiiday dagaaladii SNM.
Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isna xuskaas hadalo ka jeediyey, ayaa sheegay in maalintii uu dhacay dagaalkii Burco-duurey ee ay ku dhinteen shuhadada SNM ee mujaahid Lixle ka mid ahaa uu ka hadlayey idaacaddii SNM ee radio Halgan “Annigu waxaan ahaa wariyihii Radio Halgan ka hadlayey maalintaa (Maalintaa 17-ka October 1984), anniga iyo Muuse Aaden oo dhintay Ilaahay ha u naxariistee, ayaannu ahayn, raggii badnaa ee maalintaa ka shaqeynayey idaacaddii Halgan intooda badan maanta waxay ka shaqeeyaan Idaacada Qaranka ee Radio Hargeysa, intii dhimatayna ILAAHAY naxariistii Jano haka waraabiyo, shuhaado badan ayay maalintani u taagan tahay, guushii SNM maxay tahay? Guusha SNM waa Somaliland oo guulaysata, haddii Somaliland guul-dareysato SNM way guul dareysatay. Somaliland waxay ka talinaysaa carruurtii uu ka tagay mujaahidkii maalintaa dagaalamayey in aanay dayacmin, waanna mid ka mid ah sababaha xukuumaddu u go’aansatay in waxbarashada bilaash laga dhigo,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Cabdillaahi Cukuuse, ayaa sidoo kale shacabka Somaliland ku baraarujiyey inay dareenkooda ku saleeyaan mid wadaninimo, isla markaana laga shaqeeyo sidoo Somaliland u guulaysan lahayd, ugana mid noqon lahayd wadammada adduunka ee aqoonsiga haysta, waxaannu yidhi;“Somaliland waxay Somaliland ku noqonaysaa in qof kasta oo innaga mid ah hadduu SNM yahay iyo haddaannu ahaynba uu dareen u yeesho maanta waxa innaga dhexeeya oo ah Somaliland. Waxaan jecelahay shacabka Hargeysa, waxaan jecelahay shacabka Saylac, waxaan jecelahay shacabka Burco, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood, Salaxley, Buuhoodle, Baligubadle, Gabiley iyo Boorama ayaan jecelahay. Waxaan jecelahay shacabka reer Somaliland daraf ilaa daraf, maanta waxaynu doonaynaa oo ay guusheennu tahay, guusha Somalilan-na tahay inaynu helo Somaliland oo ah dawlad adduunka ka mid ah, wixii waxaa ka sokeeya ka shaqeyn mayno, dareenkeenna aynu ka dhigno mid waddanimo, mid Somaliland-nimo.”

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuuse), ayaa sidoo kale xuskaa uga duceeyey mujaahidiintii SNM ee ku geeriyooday halgankii dalka lagu xoreeyey, isagoo xusay in SNM dhashay Somaliland, loona baahan yahay in laga wadashaqeeyo horumarka dalka.

Guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE. Maxamed Kaahin Axmed oo ka nool afartii sarkaal ee u horeeyay ee u talaaba dhinaca Ethiopia, ayaa isaguna xuskaas ka sheegay in loo baahan yahay in dib loogu noqdo bixinta derajooyinka ciidammada oo ay hore u saluugeen mujaahidiintii SNM, waxaannu xusay in dariiqeeda la marin doono cabashadaas.

Muj. Maxamed Kaahin, ayaa u duceeyey shuhadadii SNM ee ku geeriyooday dagaalkii Burco-duuray iyo dagaaladii kale ee dalka lagaga xoreeyey taliskii Siyaad Barre, isagoo xusay in inay xisbi ahaan xukuumada ku taageeri doonaan waxyaabaha ay qabatay, wixii aan u qabsoomina ay ku cannaan doonaan. “Xisbiga KULMIYE xukuumad ka dhisan baa maanta xukunka haysa, waxay dayacdayna waynu ku qabsanaynaa, wixii ay haggaajisayna waynu u qiraynaa oo labadaa la isku khaldi maayo,” ayuu yidhi Muj. Maxamed Kaahin.

Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna ka hadashay xuska maalinta shuhadada SNM, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay xuskan oo ah mid muhiim u ah dadka iyo dalka Somaliland, maadaama oo mujaahidiintaasi ay naftooda u hibeeyeen inay dalkan ka dhigaan mid xor ah oo horumar muuqda, waxayna ammaantay dadkii xuskan soo qabanqaabiyey, iyadoo caddaysay inay wasaarad ahaan qaadhaan ugu deeqi doonaan sanduuqa loogu tallogalay taakulaynta mujaahidiinta iyo agoomihii SNM.

Dhinaca kale, magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa si ballaadhan  looga xusay maalinta shuhadada ee SNM, iyadoo masuuliyiinta iyo mujaahidiinta xuskaas ka qaybgalay halkaas ka jeediyeen hadalo isugu jira duco iyo tilmaamo ay ka bixiyeen sidii wax la tari lahaa agoomaha SNM.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *