DSC08885Hargeysa(ANN)Munaasibad si weyn loo abaabulay oo ujeedadeedu ahayd midawga  labadii Urur siyaasadeed ee u horeeyay ee midooba  15-ka Urur ee isu diiwaan geliyay tartanka doorashooyinka   golayaasha deegaanka iyo axsaabta qaranka ayaa maanta lagu qabtay

Huteelka Imperial ee Magaalada Hargeysa waxaana ku midoobay  Labada urur siyaasadeed ee Rays iyo Jamhuuriga.
Xaflad loo sameeyay midowga labadaa  urur siyaasadeed oo ka mid ahaa 15 kii urur siyaasadeed ee Guddida diiwaan gelintu ay siiyeen shahaadada ururnimo waxa ka soo qeyb galay Gudoomiyayaasha labad  urur siyaasadeed ee  Jamhuuriga Mudane Cismaan Xasan Mire iyo Gudoomiyaha ururka Rays Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) iyo sidoo kale saraakiisha labadaa Urur taageerayshooda iyo marti sharaf kale.
Muuse C/llaahi Nuur oo ka mid ah masuuliyiinta laba Urur oo hadal ka jeediyay munaasibadaa ayaa   sheegay in labaddan urur ay yihiin labaddii urur ee ugu horeeyay ee midooba,  iyaga oo diwaan gashan, isagoo yidhi,  “labaddan urur waa labaddii urur ee ugu horeeyay iyaga oo isdiwaan galiyay isla markaana buuxiyay Shuruudihii laga rabay oo maanta midooba” ayuu yidhi Muuse C/lahi Nuur, waxana uu intaasi raaciyay “hashiiska labadda urur ku midoobeen waxa uu yimid ka dib markii hadalo iyo kulano goo-goos ay yeesheen labadda urur”

DSC08887
Muuse C/llaahi Nuur ayaa madashaa ka sheegay  in labadda Gudoomiye ee Rays iyo Jamhuurigu ay maanta halkan iskugu yimaadeen inay  saxeexaan Qodobaddii ay ku midoobeen, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “maanta oo ay taariikhdu tahay bishii 02/Febawari/2012, waxa ay labadda Gudoomiye oo ka wakiil ah taageerayaashoodda ay halkan iskugu yimaadeen in ay saxeexaan Hishaaska iyo qaodoba ay wadda galleen”.
Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Rays Xasan Gaafaadhi oo ka hadlay munaasibadaa  ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay la midoobaan urur siyaasadeedka Jamhuuriga oo uu sheegay  inay isku waafaqeen  inay midoobaan.

DSC08862
“Waxaanu nahay labadii urur siyaasadeed ee u horeeyay ee diiwaan gelintii ka dib isku biiray, waxaan u soo jeedinayaa ururada kalena inay sidan oo kale sameeyaan waayo dalku ma qaadi karo ururada xad dhaafka ah,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Rays.  Wuxuuna  xusay in  diiwaan gelintii ka hor ururkooddu uu la midoobay Ururkii Wada-jir oo ka mid ahaa ururadii lagaga dhawaaqay Hargeysa.

DSC08867
Sidoo kale, Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Jamhuuriga  Cismaan Xasan Mire ayaa guul weyn ku sifeeyay midowgaa,  isagoo  balan qaaday inay diyaar u yihiin cidii kale ee ku soo biiraysa midowga labadan urur. Cismaan Xasan Mire waxa uu sheegay in talaabadan ay qaadeen ay ku jirto danta qaranka, wuxuuna xusay inay culays ka fudeydiyeen dalka, maadaama ay tirada Ururada is diiwaan geliyay gaadhay 15 Urur. Sidaa awgeed ay maslaxada qaranka iyo guushuba ku jirto in la midoobo.

Geba gebadii munaasibadaa waxay gudoomiyayaasha labada Urur ee Jamhuuriga iyo Rays qalinka ku duugeen qodobada  heshiiska  ay ku midoobeen, iyagoo maantaba Guddi farsamo u saaray  inay isku soo dubo-ridaan shirweynaha  ay qabsan doonaan iyo magacii ay isla qaadan lahaayeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *