-
Published On: Mon, Mar 26th, 2012

Booqashadii Xabsiga, Dareenkii Iyo Shucuurtii Ka Muuqatay Masuuliyiin Lagu Eedeeyay Musuq-maasuqa Iyo Jawaabihii Ay Ka Bixiyeen Kiiskooda , By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

Smiley face
Share This
Tags

Dhawr maalmood ayay igu qaadatay inaan ku booqdo xabsiga Dhexe  ee Hargeysa  oo ay muddo laba todobaad ka baddan ku xidhan yihiin Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cumar C/llaahi  (Xamarji), Agaasimhii Guud ee wasaaradda Dib u dejinta Axmed Cilmi Barre

 

(Ina Cilmi-yare iyo La Talihii Madaxweyne Xigeenka  Somaliland,  Cismaan Siciid Jaamac, kuwaas oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo isugu dartay xil ka qaadis iyo in xabsiga la dhigo 10 March 2012. Kadib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo inay leexsadeen raashin caawimo ahaa oo loo waday dad danyar ah.
Arbacadii todobaadkii hore 21 March 2012, ayaan tegey maxkamadda gobolka Hargeysa si aan warqad sharci ah oo fasaxay booqashada sadexdaa maxbuus ee ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa aan u helo.
inkasta oo ay jireen weedho diidmo ah oo markii aan ujeeddada booqashadayda iyo hawshaan  u socdo gudbiyay igaga yimi xafiiskii u horeeyay, isla markaana aanay ahayn sababo iyo dareen sharci, balse keliya  ay ahaayeen  sida ay suxufiyiinta inta baddan dadka xafiisyada jooga ugu arkaan cadaw, waxay ahayd jawaabtii lay siiyay, “saxaafada looma oggola  booqashada, “ Laakiin taas kuma qancin, waxaana ku jawaabay inaan ahay suxufi muwaadin ah, isla markaana u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Aadamaha (Journalist and Human Rights activist). Sidaa awgeed aanu  jirin sharci ii  diidaya inaan booqdo maxaabiistaa iyo kuwo kale, balse hadda ujeeddadaydu ku kooban tahay oo keliya sadexdaa maxbuus.
Hase yeeshee iima ay suurta gelin maalintaa, waxaana mudadii aan joogay maxkamadda la kulmay dad baddan oo sidan oo kale warqada booqashada doonaya, isla markaana u socda sadexdaa maxbuus, kuwaas oo qaarkood ay u suurta gashay inay helaan oo la siiyo, halka kuwo kalena ay dib uga dhacday maalintaa inay helaan warqada booqashada. Intii aan xafiiska joogay waxa indhahaygu qabteen qaar baddan oo dhalinyaro aan wejiyadooda qaarkood garanayo oo iyagu hal warqad oo wadajir magacyadooda lagu qoray oo laysku raaciyay qaadanayay, kuwo kalena waxa ka dhacay waqtigii, sababtoo ah waxa ka dhinaa saxeexa garsoore maxkamadeed.
“maalin walba inta aan xafiiska joogno waxa na haysta dadkaa, waxayna doonayaan keliya warqadaa booqashada Gudoomiyihii Maraoodi-jeex iyo  saaxiibadiisa la xidhan, warqadaha faraha baddan ee aan daabacaynaa waa kuwo booqashadooda ku saabsan oo keliya, waxaanu kaga mshquulnay shaqooyinkii aanu qaban lahayn ee kale” ayuu yidhi mid ka mid kaaliyayaasha maxkamadda, wuxuuna igu wargeliyay inaanay maanta ii suurta gelayn booqashadu ee aan kusoo laabto beri.
Khamiisti 22 March, ayaan ku laabtay Maxkamadda si aan u helo warqadii, waxaana sidoo kale ku kulanay  kooxo kale oo dhalinayaro ah, kuwaas oo iyana  u socday inay qaataan warqadaa si ay xabsiga Hargeysa ugu booqdaan Badhasaabkii Maroodi-jeex, Agaasimihii  Dib U dejinta iyo la taliyihii madaxweyne Xigeenka Somaliland.
Inayar ka dib waxaan helay warqadii. Kadibna waxaan gaadhigii aan watay u jiheeyay dhinaca xabsiga dhexe, waxaana dhigtay baarkin fiican, iyadoo telenoonadaydii iyo qalabkii aan sitay oo marka horeba gaadhiga iigu jiray aan kaga tegey, waxaan istaagay albaabka weyn ee laga galo xabsiga Askari ka mid ah kuwa ilaaliya xabsiga oo ka mid ah koox albaabka ku qoran, ayaa furay qayb yar oo ka mid ah albaabka, isagoo dad kala duwan oo soo dhamaystay booqasho ay ugu tageen maxaabiis, ama adeegyo kale ugu maqnaa oo kasoo baxay xabsiga hubinaya inay ka bexeen albaabaka. Daqiiqadii aan taagnaa waxa yimi dad kale oo qaarkood u socdeen sadexda maxbuus, waxaana u sheegay ujeedadayda iyo  inaan sito warqada booqashada, balse waxa I garab istaagay nin kale oo aanan aqoonsan, kaas oo dhinaciisa sheegay inuu ugu  socdo booqasho saraakiisha xidhan. Laakiin Askariga oo taxadir badani ka muuqdo, isla markaana si akhlaaq-leh noola hadlay, ayaa noo sheegay inaanu berendaha hadhka ee barxada hore ee xabsiga iska fadhiisano in yar. Markaa ka dib uu noo yeedhi doono, sababtoo ah wuxuu sheegay inay dad hore oo booqday ku jiraan oo marka ay kasoo baxaan aanu gelayno.
Saacadu waxay kusii socotaa xiliggii duhurka, waxan ka yar wer wersnahay  inuu waqtigu naga dhaco, balse in yar kadib markii aanu askarta berendaha fadhida la joognay,  ayaan kusoo laabanay  Albaabkii , wuxuuna Askarigii na weydiiyay mar kale ujeedada aanu u socono iyo maxaabiista aanu booqanaynaa kuwa ay yihiin, laakiin jawaabtaydu waxay noqotay aniga inaan qadimo oo iska horaysiiyo warqada aan sito. Kadibna waxa anagoo weli taagan albaabka yimi laba nin oo midkood ahaa xildhibaan, waxaana nala mariyay nidaamka baadhista dhamaantayo, iyadoo mobilada iyo wixii kale ee aan la ogolayn laga reebayo qof kasta . intii aan ku jirnay baadhista waxa  inadhahaygu qabteen wax baddan.
Xabsiga dhexe waxa booqashadiisa iigu danbaysay dhamaadkii 2002, waqtigaa oo aan booqanay si aanu ugu kuurgalo oo warbixin  dhinaca xuquuqda Aadamaha ah uga diyaarino xaalada maxaabiista iyo dhibaatada xabsiga oo cidhiidh ahaa, isla markaana ay ku xidhnaayeen ku dhowaad 700 (todoba boqol ) oo maxbuus, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd in la balaadhiyo xabsiga, isla markaana ugu danbayntii lagu guulaystay oo dib u habayn lagu sameeyay.
Waxa laga joogaa toban sanadood, waxa muuqata inuu xabsigu aad uga duwanyahay sidii uu xiliggaa ahaa, isla markaana waxaad moodaa inay  wax iska bedeleen dhaqanka dabeecada Askartii  aan hore ugu arkay  iyo kuwa aan maanta ku arkay uu jiro faraq u dhexeeyaa, iyagoo si akhlaaq leh ula hadlaya dadka imanaya xabsiga ee booqanaya maxaabiista, ama u sida raashinka. Askari ayaa intii baadhsitu socotay si taxadir ah ii soo eegay, dabcan waan garanayay, isaguna wuu I garanayay, wuxuu dhegta u saaray mid kale hadal aanan maqal, balse waxan u fahmay inuu indhaha igu soo fiiqayay aniga, isagoo u jeeda waa saxaafadii ee yaan loo ogolaan. Laakiin ilama uu hadlin waxaana u fahmay inuu ka diiday taas.
Maadaama booqashada ujeedadaydu ay ahayd oo keliya sadexdaa maxbuus oo aanay qorshaha iigu jirin booqasho guud oo xabsiga iyo maxaabiista kale eek u xidhani, waxa aniga iyo  sadexdii Nin ee aanu ku kulanay albaabka naloo hogaamiyay goob loogu tala galay in dadka  booqashada ah loogu keeno maxaabiista ay doonayaan, waxyar kadib waxa goobtaa oo ay yaaliin dhawr kuri oo fadhiyada guryaha lagu raaxaystaa naloogu keenay sadexdii maxbuus oo uu wheliyo maxbuus kale oo aan tirada noogu jirin, waa Farxaan, wuxuu haystay mid ka mid ah Bakhaarada  raashinka la dhigay,  dhamaantood  waxa  dareenka shucuurtoodu ahaayeen mid aan  kaa nixinayn, isla markaana waxa  ka muuqatay kalsooni baddan iyo yididiilo.
Waxay sadexduba xidhnaayeen macawiso, runtiina sida aanu ugu faraxnay aragtidooda ayay ugu farxeen booqashadayada, waxay noo sheegeen inaany wax dhibaato ah qabin, isla markaana aanay waxba ka wer-werayn. Balse ay la yaabeen sida loogu sameeyay kiis aanay shaqo ku lahayn, “xilka in nalaga qaado, waa sune, waxbana uma aragno, balse waxa yaab nagu noqotay sida naloo wanjalay, raashinka waxa watay sadex Nin shaqo kumaanu lahayn, markii ay soo baxday in la leexsaday raashinkaa ayaa madaxweyne xigeenku noo diray, kuwoo watay ayaanu helay oo geynay, iyaga ayaa wada hadlay, wixii aanu qabanay, markii aanu soo helay, waxa keliya ee aanu eedi nooga iman lahayd arrintaa  dib u dhac dhinaca waqtiga meeshii aanu doonaynay in la keeno ee dib u dejinta, waxba kalama aanu socon raashinkaa waxna kamaanu ogayn oo waxa Berbera kasoo qaatay kuwii sitay.” Ayuu yidhi xamarji.
Gudoomiyii hore Axmed X. C/llaahi xamarji, waxan  weydiiyay inay xabsiga ugu tageen gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo muj. Maxamed Kaahin oo ay sadexdaa masuul u sheegeen inay kasoo baxaan xabsiga oo lasii daayo, wuxuuna isagoo taa ka jawaabaya yidhi, “masuuliyiin hawl loo diray oo xil qaran haya ayaanu ahayn, qaabkii nalooga qaaday xilka ee naloo xidhay waxa laga dhigay inaanu denbi musuq-maasuq ah gacanta kula jiro. Laakiin ilaa hada maxkamad  wax nalagu geeyo lama hayo, khalad wuu dhici karaa cidkasta ha ka yimaadee oo aniguba markaan xilka hayo cid waan ku  khaldami karaa. Laakiin waxa muuqata inaanay xal hayn kuwiii kiiska noo sameeyay, markaa iska soo baxa macquul maaha, waxan u arkaa inaanu anagu xalkii hayno ee aanay kuwaasi ahayn, madaxweynuhuna arrinatan shaqo kuma laha.”
Xamarji wuxuu ku dooday inay markii ay hawsha baadhsita ee raashinka  wadeen uu su’aalo baddan weydiiyay taliye xigeenka Booliska Somaliland C/raxmaan Fooxle oo ay hawsha ku wada jireen, balse uu uga jawaabi waayay su’aalahaa. Sidoo kale wuxuu ku dooday in markii ay qaar ka mid ah raggii raashinka watay ay u geeyeen madaxweyne xigeenka uu ka shakiyay qaabkii kalsoonida lahaa ee ay ula hadleen Madaxweyne xigeenka, maadaama sida uu sheegay aanay isaga iyo saaxiibadiisa kale ee la xidhani waxba kala socon raashinkaa ee markaa la waayay loo diray inay baadhaan.
Sidoo kale wuxuu ku dooday inay la yaabeen sababta sadexdii nine e raashinka watay ee Berbera kala yimi loo xidhi waayay ee iyaga kiiskaa loogu qaaday, iyagoo aan shaqo ku lahayn, waxan u aragnaa wanjal siyaasadeed iyo sumacad dilis nalagu sameeyay. Ayuu yidhi.
Marka laga yimaado doodaha noocaa ahee ay ku sheegayaan inaanay wax denbi ah ku lahayn arrintaa, waxay ahaayeen kuwo kalsooni badani ka muuqato oo aany ka muuqan inay ka wer wersan yihiin denbi ay galeen iyo musuq-maasuqa lagu eedaynayo.
Wada sheekaysi aanu yeelanay maxaabiista kadib, waxa iyagoo weli xiisaynaya inay ka hadlaan kiiskooda nagusoo gaadhay koox dhalinyaro ah oo soo booqday, taas oo keentay inay askartu noo sheegaan inaanu dhamaysanay booqashadii. Anagoo markaa ka dib albaabka weyn isa soo taagnay si qofkii laga hayay alaab sida mobile IWM u qaato, waxay indhahaygu qabteen intii aanan ka bixin albaabka nin doonayay inuu xabad sigaar ah shido. Laakiin Askariga ayaa u sheegay inaan sigaar iyo qaad laga ogolayn xabsiga, taas oo ahayd mdi waafaqsan xeerarka iyo nidaamka xabsiyada, isla markaana laga dhaqan geliyay xabsiga markii dib u habaynta lagu sameeyay ee dib loo furay 2010.

Inaksta oo aan weli sadexdaa maxbuus ee u xidhan musuq-maasuqa la keenin maxkamad oo ay hada xidhan yihiin laba todobaad, isla markaana ay shucuurtooda iyo niyadoodu aad u fiicanayd markii aan booqday, laakiin ma hubo inay wax iska bedeleen dareenkooda, wixii maalintaa ka danbeeyay, sababtoo ah markii ay soo baxday inaanay  hay’addaha baadhsita denbiyadu hayn wax  cad  oo maxkamad lagu horgeyn karo, isla markaana dib u dhac ku yimi kiiskooda oo dhaleecayn baddani kaga timi xukuumadda Madaxweyne siilaanyo, waxa arrintaa soo dhexgalay Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo Muj Maxamed Kaahin, kuwaas oo ka codsaday sadexdaa masuul in arrinta lagu dhameeyo debeda, basle markii ay diideen ee ay ku gacansaydheen soo jeedintaa oo dhinaca xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyana ku kala qaybsantay, waxa dib loo bilaabay baadhista Kiiskaa, iyadoo koox CID- ah loo diray Berbera iyo Burco, kuwaas oo soo xidhay mukhalaskii Raashinka caawimada ah kasoo saaray dekeda, kaas oo dhinaca Hargeysa looo soo gudbiyay maalmihii ina dhaafay, balse waxa aan weli la hayn furayaashii kiiska oo ahaa sadexdii nine e Raashinka watay, kuwaas oo baxsaday markii la qabtay masuuliyiintan kadib. Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in dib loo bilaabay baadhista kiiskaa oo markii hore wax iska bedeleen, taas oo aanan garanayn sida ay dareenkii sadexda maxbuus wax uga bedeli doonto booqashaydii kadib oo ay soo baxayaan tibaaxo sheegaya in dib loo abaabulay kiiskooda. kadib markii ay soo baxeen fadeexado u muuqday been-abuur iyo mala awaal in lagu xidhay sadexdaa masuul oo ay xilalkoodiina ku waayeen, isla markaana ku mutaysteen xadhig.
By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>