Hargeysa(ANN)Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa saaka xabsiga dhexe u dhaadhicisay Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur-madaw, iyadoo aanay Maxkamad awood u lihi xalaalayn xadhiga rumaanka ah ee lagu geeyay xabsiga dhexe ee Hargeysa. Kadib markii ay ciidanka boolisku ka
qabteen madaarka Hargeysa March 10 2012, isagoo kasoo laabtay dalka Imaaraadka carabta ee Dubai oo uu degnaa mudooyinkii u danbeeyay, isla markaana mudo laba todobaad ah ku xidhnaa xarunta CID, ee denbi baadhsita, iyadoo aan Maxkamad la horgeyn.Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa shebekada Araweelonews u sheegay inay xabsiga u dhaadhiciyeen. Kadib amar kaga yimi dhinaca madaxtooyadda, wuxuuna ku dooday in la mariyay maxkamadda oo laga rumaan-gareeyay xadhiga Boqor Cismaan Buur-madaw, balse wuxuu ka gaabsaday sarkaalkaasi inuu sheego mudada rumaanka. Laakiin warar laga helay dhinaca Garsoorka ayaa sheegay inaanay arag iyadoo laga rumaan garaynayo maxkamadda Boqor Buur-madaw oo aan la horkeenin Maxkamadda, isla markaana aanay waxba kala socon rumaankaa.
Hase yeeshee waraka qaar ayaa sheegay in rumaan shan todobaad ah Boqor Buurmadow looga jaray saaka Maxkamadda, iyadoo aan isaga la horgeyn maxkamadda, basle warqada rumaanka looga soo qaaday maxkamadda. Sidaana loogu gudbiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa. waxaanay Maxkamaddu u jartay shan todobaad Afartan iyo laba cisho oo Rumaan ah.
Talaabada xabsiga loogu dhaadhiciyay saaka Boqor Buur-madaw, ayaa la rumaysanyahay inay ka dhalatay canbaarayn kulul oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kala kulantay xadhigiisa, taas oo kaga imanaysay xukuumadda gudaha iyo debedaba, iyadoo ay xadhigiisa ka hadleen Madaxdhaqameedka Somaliland, siyaasiyiin iyo waxgarad kale, basle dhawaaqyadii ugu danbeeyay oo kaga yimi xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo deegaanka uu Boqor Buur-madaw kasoo jeedo ee qoyskiisa ayaa ahaa dhaleecayn iyo hanjabaad kulul oo mudo u qabtay xukuumadda inay inay usoo celiso xoriyadiisa, haddii kalena ay masuul ka noqonay wixii ka yimaada.
Boqor Cismaan Aw Maxamud Buur-madow, ayaan ilaa hada la ogayn denbiga loo haysto iyo eedaha uu galay, basle waxa keliya oo ay xukuumaddu qabashadiisa dhawr todobaad ka hor kaga jawaabtay waaran hore loogu jaray, iyadoo lala xidhiidhiyay xadhigiisa mid uu ku kasbaday xorriyadiisa iyo inuu cabiro rayigiisa, isagoo dhaleecayn kulul warbaahinta mudooyin hore u marariyay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mudo yar ka dib markii ay hogaanka qabatay mid ay durba kooxo majara habaabiyeen oo ay ujeedooyinkooda gaarka ah uga leexiyeen hogaanka dalka ee Madaxweynaha Siilaanyo inuu la yimaado maamulkii wanaagsanaa iyo cadaaladdii uu balanqaaday xiliggii kaanbeynka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com