WAKAALADDA BIYAHAHargeysa(ANN)Madaxweyne ku-xigeeenka Somaliland C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusweyn oo laga hirgeliyay xarunta Komishanka doorashooyinka Somaliland oo ka kooban sadex dabaq.Xaflad loo

sameeyay furitaanka dhismahaa oo lagu qabtay goobta laga sameeyay ee Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ee Duleedka Huteelka Imperial,   waxa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland, Gudoomiyaha Komishanka iyo xubna kale , Wasiiradda Maaliyadda,  Wasiirka warfaafinta, xubno wakiilo ka socday Gudida Somaliland ka taageera kobcinta dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland  C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlay furitaankii xafladaa,   ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in dhisme weyn loo dhiso Gudida doorashooyinka qaranka oo uu tilmaamay inay shaqo xasaasi ah u hayaan qaranka.
Wuxuuna sheegay  inay xukuumaddiisu kala shaqaynayso Komishanka sidii loo qaban lahaa doorashooyinka Goleyaasha deegaanka oo ay gacan ka geysan doonaan xukuumad ahaan.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici  ayaa  u mahad celiyay qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka taageera horumarinta dimuqraadiyadda, waxaanu u soo jeediyay inay sii wadaan taageeradooda la xidhiidha kobcinta dimuqraadiyadda.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Ciise Yuusuf  X. Maxamed (Xamari) oo  tafaasiil ka bixiyay qorshaha doorashooyinka dalka iyo waxqabadkii Komishanka ee mudadii ay shaqaynayeen,  isagoo yidhi,  “Anagu mudadii aanu shaqaynaynay, waxaanu ku dedaalaynay inaanu ummadda wax anfaca uga tagno, markaa dhismahani wuxuu ka mid yahay waxyaabihii aanu ku guulaysanay intii aanu joognay.”
,
Mr. Ciise Xamari, wuxuu intaa ku daray,   “Waxaanan odhan karaa weelkii aynu wax ku shubaynay waynu haynaa, laakiin waxa loo baahan yahay wixii lagu tayayn lahaa, haddii ay  shaqaale noqoto iyo haddii ay qalabayn noqotaba,” wuxuuna  xusay  inay diyaarinayaan oo ay ku gudo-jiraan qorshayntii iyo qaabkii loo agaasimi lahaa doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqadda sanadkan 2012-ka.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland wuxuu u mahad celiyay qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera geedi socodka dimuqraadiyadda oo ay ka mid yihiin Maraykanka, SWEDEN, UK, SWIZERLAND, Midowga Yurub, Denmark iyo NORWAY. Dhinaca kalena waxa  uu xusay inay kaalin ka qaateen hirgelinta dhismahaa jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalka dibadiisa, basle lama sheegin qiimaha uu ku kacay dhismahaasi iyo dhaqaallaha ku baxay meelaha uu ka kala yimi.
Sidoo kale waxa furintaanka munaasibada xadhiga lagaga jaray Dhismaha cusub ee Komishanka  ka hadlay Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), Wasiirka warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale iyo sarkaal ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Kenya oo isagu ku hadlayay magaca gudida qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera geedi socodka Dumuqraadiyadda.
Madaxweyne  xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici, ayaa  geba-gebadii xafladaa  Shahaado sharafyo gudoon siiyay Gudida qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka oo uu sheegay inay ku mutaysteen kaalintii ay ka geysteen afartii doorasho ee ka qabsoomay Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *