Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis u fidiyay maxaabiistii ugu  tirada badnayd ee cafis loo fidiyo, kuwaas oo  ku xidhan jeelasha dalka, isla markaana tiradoodu

dhan tahay 751 Maxbuus.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu sidaa  ka sheegay xaflad xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada oo lagu xusayay sannad guurada 20-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland oo  labaatan sannadood ka hor lagaga dhawaaqay magaalada Burco 18 May 1991.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maxaabiistan uu u cafiyay si ay shacbiga Somaliland ula wadaagaan farxada dabaal dega munaasibada sannad guurada labaatanaad ee ka soo wareegtay qaranimada Somaliland oo shalay dalka Gudahiisa iyo dibadiisa laga xusay.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Salaasadii 17 May, maalin ka hor xuska  munaasibadaa  cafis u fidiyay laba wadaad oo muddo sannado ah u xidhnaa eedaymo lagula xidhiidhiyay  falal  argagixiso, kuwaas  oo xukuno kala duwan lagu riday.
Labadaa wadaad oo  mid yahay Sh. Maxamed Ismaaciil oo caan ka ah inta baddan geyiga Soomaalidu degto, waxa uu xaafada New Hargeysa ku haystay ka hor intii aan ciidamada amaanku qaban  dabayaaqadii 2004,  goob Cilaaj oo dadka lagu dabiibo, wuxuuna  xabsiyada Hargeysa iyo Berbera ku xidhnaa todobadii sanadood ee la soo dhaafay, halka Muuse Cali Aw Yuusuf oo la qabtay sannad ka dib  uu ku xidhnaa muddo lix sanadood ah. Qaar ka mid ah ehelada labadaa wadaad ayaa soo dhoweeyay cafiska Madaxweynaha Somaliland u fidiyay labadaa wadaad.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *