http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2013/09/Labada-Taliye1.jpgBurco (Araweelo News Network) Taliyayaasha Ciidammada qaranka Somaliland ee millateriga iyo Booliska ayaa balanqaaday inay ka qaybqaadanayaan dhismaha wadada Ceergaabo ee Madaxweyne Siilaanyo dhagaxdhigay. Sidaana

 

waxa shaaca ka qaaday Taliyayaasha Ciidamadda Millateriga  Iyo Booliska Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) iyo Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, kuwaas si wadajir ah ugu dhawaaqay taageero maaliyadeed oo ay ciidammadu kaga qaybgeli doonaan dhismaha wadadaa.

Labada Taliye oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Siilaanyo ku wehelinaya socodka uu ku marayo qaar ka mid ah gobollada bari, waxay sheegeen in askari kasta oo ka mid ahi labada ciidan uu muddo saddex bilood oo xidhiidh ah hal doollar bishiiba ugu deeqi doono dhismaha jidkaasi tagay gobolka Sanaag, isla markaana ay ku wareejin doonaan guddiga dhismaha wadada.

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan oo ugu horreyn ka hadlay madasha ay kaga dhawaaqeen ballanqaadka waxa uu sheegay in gobolka Sanaag oo ah ka ugu khayraadka badan dalka uu wado la’aan darteed uga go’an yahay gobollada kale, sidaasi darteed ay waajib tahay in shacabka mid yar iyo mid wayn laga wada qaybqaato.

 

“Iyadoo Madaxweynaha Somaliland darajada dallacaada ugu deeqay bishii hore ciidammada qalabka sida oo dhan, ciidankuna markay wax u soo kordhaan waa inay ducaystaan, markaa annagoo ka duulayna ducadaasi, anigoo Taliyihii ciidanka ah, wakiilna ka ah ciidanka Qaranka, waxaannu wadadaasi oo mudan in la isutaago dawlad iyo shacaba kaga qaybgalaynaa in saddexda bilood ee sannadka ka hadhay askarigiiba hal doollar bishii ugu deeqo wadada,” ayuu yidhi Taliye Shaqalle.

 

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ciidankiisu diyaar u yahay inuu ka qaybqaato horumar kasta oo dalka ka socda ama laga hirgeliyo, isla markaana ay jidka Ceerigaabo xoogga saarayaan, “Askari kasta oo ciidanka Booliska ah saddexda bilood ee soo socda askari kasta bishii waxa laga goyn doono hal doollar oo lagu daro dhismaha wadada Ceerigaabo,” ayuu yidhi Taliye Fadal.

 

Dhawaaqa labada Taliye ayaa noqonaya tallaabadii u horreysay ee ballanqaad cayiman ah oo loo fidiyo dhismaha jidka Ceerigaabo oo dhibaato wayni ka haysto dadweynaha, isla markaana ka dhigtay Gobolka Sanaag mid ka go’doonsan dalka intiisa kale, waxaana la filayaa in dhismaha wadadaasi wax weyn ka taro dhaqaallaha dalka.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *