Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyah xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin  iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen

 

Cali Ducaale (Cawil ), taas oo ahayd booqashadii u  horeysay ee uu ku taga qasriga madaxtooyada tan iyo markii lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada ee  26 Jun 2010.
Ma jiro wax wara oo kasoo baxay kulankaa iyo ujeeddadiisa, balse sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen  tibaaxo laga helay kulankaa, waxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ka wada hadleen arrimo baddan, iyagoo iska xog-waraystay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo duruufaha ka taagan mandaqada.
Sida ay sheegayaan tibaaxahaasi Madaxweynihii hore oo waqtigan ah Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UDUB Daahir Rayaale, wuxuu kulanka Madaxweyne Siilaanyo ka dib kulan gaara xafiiskiisa kula yeeshay Madaxweyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxayna laba masuul yeesheen kulan qaatay cabaar oo albaabada loo xidhay.
Booqashada uu maanta ku tegey qasriga Madaxtooyada Madaweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, waa tii u horaysay ee uu ku tago tan iyo markii uu xilka madaxtinimada dalka wareejiyay 27-kii July 201-kii, ee lagaga guulaystay doorashadii 26 Jun 2010. Ka dhacday Somaliland.
Daahir Rayaale wuxuu markii uu xilka wareejiyay uga baxay dalka debeda, isagoo ku noolaa dalka Faranca, balse wuxuu soo laabtay sanadkii hore 2011, isagoo mudo kooban joogay dalka. laakiin mar kale ayuu soo laabtay February   2012, wuxuuna kusoo beegmay muran iyo khilaaf huursnaa oo kasoo baxay xisbigiisa, taas oo keentay inay isku maandhaafaan madaxweyne ku xigeenkiisa hore oo waqtigana ah gudoomiye xigeenka UDUB. Kadib markii murankaasi ka dhashay is maandhaaf hogaaminta iyo musharaxa mustaqbalka ee doorashada Madaxweynaha Somaliland, wuxuuna mudooyinkii uu joogay kulamo la yeeshay garabyada uu xisbiga UDUB u kala jabay, isla markaana ay kulamadaa kasoo baxeen oo keliya in xaalada la dejiyo oo meel laysugu yimaado si loo badbaadiyo midnimadii xisbiga.     

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *