Berbera(ANN) Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aaden ayaa maanta kormeer kedis ah oo shaqo ku tagtay xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera.
Marwo Samsam Cabdi Aaden waxay mudadii ay joogtay halkaa kormeer ku tagtay Dugsiyada ka dhisan Magaalada Berbera, iyadoo ujeedada socdaalkeeda ku sheegtay si ay ugu kuurgasho nidaamka waxbarashadu uga socoto xarunta gobolka Saaxil iyo sidii ay xog ogaal ugu noqon lahayd Ardayda waxka barata gobolkaa iyo si ay wax uga ogaato inay macalimiintoodu u dadaalayaan.
Wasiirka Tacliinta Somaliland, waxa kormeerkaa ku weheliyay saraakil ka tirsan Wasaaradda waxbarashadda, isla markaana Marwo Samsam ayaa tan iyo markii loo magcaabay xilkaa waxa muuqatay inay dardar gelisay hawlaha dhinaca dugsiyada, taas oo laga dareemayay kormeerada goobaha waxbarshada dalka, waxayna iyadoo warbaahinta uga waramaysa socdaalkeeda sheegtay inay hubinaysay nidaamka tacliineed ee Gobolka, isla markaana ay fasal fasal u soo martay Dugsiga sare ee Bursade iyo Dugsiyo kale oo ku yaala xarunta Gobolka Saaxil.
Hase yeeshee Ardayda wax ka barata Iskuulada Magaalabada Berbera ayaa cabasho u gudbiyay wasiiradda, waxayna sheegeen in maadooyinka ay xaqqa u leeyihiin in loo dhigo aan loo dhiugin,. Sababtuna ay tahay macalimiin la’aan, balse Wasiiradda ayaa Ardayda ugu bushaaraysay rajo iyo yididiilo, isla markaana waxay balan qaaday in loo keeni doono macalimiin aqoon badan leh oo wax weyn ka bedela tabashadooda dhinaca waxbarashada iyo maadooyinka ay ka cabanayaan.
Wasiirka waxbarshadda iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aaden waxay safarkeeda ku jihaysay oo u dhaatay halkaa sii dhinaca Magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380