Hargeysa(ANN)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col. Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen cidii geysatay falkii isku dayga dil ahaa ee lagu dhaawacay 11-kii bishan June Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/rashiid Maxamed Maxamuud.

 

Taliyaha Boolska Somaliland, wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay shaly xafiiskiisa magaaalada Hargeysa, wuxuuna daboolka ka qaaday inay ciidanka Boolisku ay si rasmi ah shalay  gacanta ugu dhigeen cidii fulisay falkaa foosha xun. kadib markii sida uu Taliyuhu  sheegay inay Ciidanka Boolisku si weyn uga hawl-galeen baadhista kiiskaasi,  isla markaana ay ku guulaysteen inay qabtaan cidii falkaasi fulisay, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi,  “Waxaan halkan idiinka sheegayaa inaanu arrin qaranka iyo bulshadda Somaliland-ba ay naga sugayeen natiijadeedda oo si guul ah noogu dhammaatay aanu ka sheegno. Arrintaa oo ah falkii isku dayga dilka ahaa ee lagu dhaawacay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/rashiid Maxamed Maxamuud (Duraan) 11-kii bishan. Tan iyo markii falkani dhacay waxa Ciidanka Boolisku ay ku jireen baadhis dheer oo aad iyo aad u miisaaman oo ay kiiskan ku hayeen xuuraan badan iyo dabo-gal si ay xaqiiqadda dhabta ah u helaan. Waxaan idiin sheegayaa inaanay ciidanka Boolisku aanay ka weecan raadkii ay bilowgiiba heleen.” ayuu yidhi.

“Baadhis dheer ka dib markii Ciidanka Boolisku ku qancay cidii falkaasi gashay,  horena waxa noogu xidhnaa dad sideed qof ah oo ku eedeysnaa inay falkaasi ku lug lahaayeen. waxaanu markiiba la xidhiidhnay odayaal laba dhinac ah iyo dad kale oo muwaadiniin ah, waxaanay ka hawl-galeen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii falkaasi geysatay. Nasiib wanaag maanta oo bisha June tahay 26 waxa markii aanu arrintaasi u bandhignay ku qancay oo noo soo gacan geliyay odayaal laba dhinac ah oo ah kuwii eedeysanayaashaa”

Cabdilaahi Fadal, waxa uu  yidhi,  “Falkaasi Guddoomiyihii Maxkamadda lagu dhaawacay oo la xidhiidha kiiskii uu baadhayay ee la xidhiidhay raashinkii la musuqmaasuqay, sidaasi darteed waxaanu idiin sheegaynaa inaanu gacanta ku hayno cidii falkaasi geysatay oo aanu aqoonsanay.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland,  wuxuu u mahad celiyay ciidanka Booliska ee ka hawl-galay kiiskaa oo uu ugu horeeyo Taliye Ku xigeenka Booliska iyo saraashiisha kaleba.

“Waxa kale oo aan ammaan halkan uga soo jeedinayaa odayaashii markii aanu u bandhignay arrintan ku qancay,  isla markaana gacanta nooga soo geliyay cidii falkaasi fulisay. Guddoomiyaha la dhaawacay waa masuul qaran. Waxaan iyagana u mahad celinayaa odayaashii dhibanaha ee nagu kalsoonaaday ee sugay baadhistii aanu wadnay waana tallaabo ku dayasho mudan dadweynaha Somaliland-na sidaasi oo kale inay yeelaan ayaan u soo jeedinayaa,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

Araweelonews Mobile

Somaliland Office

E-mail; Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *