Hargeysa(ANN)Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland ee ka hawlgala Madaarka Caalamiga ah ee magaalada Berbera, ayaa gacanta ku dhigay koox hablo yar yar ah oo si qarsoodi ah loogu waday dhinaca dalalka Khaliijka, gaar ahaan dalka Saudi Arabia.Taliyaha Laanta Socdaalka

Somaliland Col. Maxamed Cali Yuusuf (InaCambaro) oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa,  halkaas   oo ay warbaahinta ugu soo bandhigeen gabdhahaa  oo da’doodu aad u yar yar tahay iyo niman muqaawiliin ah oo tahriibinayay,  ayaa hadlay qaabkii ay u qabteen hablahaa oo laga keenay deegaanka Wanlaweyn ee Koonfurta Somalia, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaan saxaafadda u sheegayaa inay shalay 26 Jun, 2012,  kasoo degeen Madaarka Berbera 12 gabdhood oo da’doodu aad u yartahay, kuwaas oo laba ka mid ahi qaan-gaadh yihiin. Waxa lagu soo beegay maalinta qaranimmada Somaliland ka xorowday Boqortooyadda Ingiriiska ee 26 June, oo ahayd maalin dalka oo dhammi fasax yahay.” Ayuu yidhi.

Col. Maxamed Canbaro, waxa  uu yidhi, “Sidaa darteed anagoo ammaanka aad u adkaynay, ayaanu la kulanay haweenkan da’yarta ah oo kasoo degay Madaarka Berbera, iyagoo koox koox isu qaybinaya, dabadeedna markaanu isu eegnay da’dooda iyo baasaaboorada ay sitaan aanu garanayn inaanay islahayn. Waxaannu dadweynaha u sheegaynaa sababta loo keenay hablo keliya oo aanu u aragnay inay yihiin hablo la doonayo in la tahriibiyo oo laga faa’iidaysto iyo arrimo ganacsi (Human-trafick), kuwaas oo si sharci darro ah ay u dhoofinayeen dad aan ehel u ahayn.”

Taliye Cambaro Waxa uu sheegay inay isugu yeedheen Hay’adaha ka hortaga ka-ganacsiga aadamaha, isla markaana maadaama ay dalka wakiil uga yihiin arrimahan oo kale ay gacanta kusoo dhigeen kooxdan haweenka ah.
Taliyuhu waxa uu intaa raaciyay in bil ka hor ay dhacdo la mid ah tan oo kale ku qabteen dekedda Berbera sagaal carruur ah oo lagu hayo Goobaha Carruurta lagu daryeelo ee Somaliland, kuwaas oo qaab tahriib ah looga keenay dhinaca dalka Yamen.
Dhinaca kale labada Nin ee hablahaa watay oo ay iyaga ciidanka Laanta Socdaalku qabteen oo magacyadooda ku sheegay Xuseen Abuukar Axmed iyo Maxamed Cabdillaahi, ayaa  Mid ka mid ahi ku dooday inay hablahaa  lacag ka qaateen oo ay geynayaan dalka Sucuudiga, islamarkaana uu waalidkood ogolaaday. Sidaana ay kusoo kexeeyeen, balse aanay ahayn kuwo qaab kale oo ganacsi loo wado.
Maaha markii u horaysay ee sidan oo kale la qabto hablyo yar yar oo loo wado dhinaca dalka Sucuudiga, kuwaas oo laga keeno dhinaca deegaamada Koonfurta Somalia, balse Horaantii November 2011, ayaa dalka Yaman lagu qabtay in  ka baddan konton caruur  Soomaali ah oo u baddan hablo yar yar oo da’adoodu u dhaxayso 19 jir iyo 2 jir, kuwaas oo  lagu qabtay xadka u dhexeeya dalka Sucuudiga iyo Yamen, iyadoo loo tahriibinayo dhinaca dalka Saudi Arabia. XuseenXuseen Xaaji Axmed oo ah Qunsulka safaarada Somalia ee Yamen, ayaa xiliggaa  sheegay in  Ilaa rabadaantii kal hore 50 caruur ah oo da’adoodu u dhaxayso 19 jir iyo 2 jir laga soo qabtay xadka Sucuudiga, kuwaas oo u baddan hablo yar yar oo la doonayay in loo talaabiyo dalka Sucuudiga, wuxuuna xusay in kuwii ugu danbeeyay oo ahaa  19 hablood oo Baydhabo laga keenay  oo da’adoodu u dhaxayso 16 jir iyo 10 jir laga soo qabtay xadka Sucuudiga, isla markaana  baadhitaan ciidamada Yaman sameeyeen ku ogaadeen in dadkaa loo waday  arrimo ganacsi, balse aan la garanayn in qaabka looga ganacsanayaa yahay in  jidhkooda la la iibiyo iyo in xubno jidhkooda ah lagala baxo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *