Wasiirka DF arrimaha Guadaha AbdikarimMuqdisho(Araweelo News Network)Xukuumadda Somalia ayaa mar kale ku celisay in aanay aqbalayn oo aanay aqoonsanayn natiijada kasoo baxda shrika la doonayo in

 

maamul loogu sameeye Jubada Hoose ee Kismaayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka ee Dawlada Federaalka Somalia Cabdi Kariim Guuleed, ayaa shaaciyay in shirka Kismaayo uu yahay mid aan sharci ahayn oo khilaafsan Dastuurka Federaalka. Sidaa awgeed aanay xukuumaddu aqabalayn wixii kasoo baxa, wuxuuna isaggoo arrintaa ka hadlaya yidhi,   “Mowqifka xukuumaddu waa mid cad shirka Kismaayo waa sharci darro  kasoo horjeeda dastuurka dalka,dowladdu markale waxay ku celinaysaa in aan la aqbali karin waxa shirkaasi kasoo baxa”ayuu yidhi Cabdi Kariim Guuled.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Malayshiyada uu Hogaamiyo Axmed Madoobe eek u sugan Kismaayo, isla markaana taageero ka haysta Ciidamada Kenya eek u suagan Kismaayo aanay ahayn sharci oo aanay metelin dawlada, isagoo yidhi,   “Dowladda Federaalka ma metelaan maleeshiyaadka Kismaayo ku sugan wixii aan ciidanka dowladda ahayn, mana aha  wax la aqbali karo. “ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka u qaabilsan dawlada Federaalka.

Dhinaca kale muranka iyo khilaafka ka taagan shirka la doonayay in maamul loogu sameeyo Kismaayo, ayaa soo jiitamayay mudooyinkii u danbeeyay, waxaana laysku mari waayay sida maamulka laga samaynayo halkaa loogu qaybinayo bulshada, taas oo qaar ka mid ah dadka deegaanka ee kasoo jeeda Bulshooyinka laga tirada badanyahay oo ku doodaya in loo  awood sheegtay ka baxeen shirka maalmihii u danbeeyay.

Shirka Kismaayo oo qaban qaabadiisa ay si weyn gamcaha ugula jirto Dawlada Kenya, waxa dhaqaalaha ku baxaya dusha u ridatay dawlada Norwey oo sida ay wararka la xidhiidha arrimahaa sheegayaan dawlada Kenya ku garab taagan fulinta qorshe siyaasadeed oo lagu samaynayo maamulka Kismaayo, balse dalka Ethiopia ayaa sida ay wararku sheegayaan si weyn indhaha ugu haya arrimaha ka socda Magaalada Kismaayo, iyadoo dawlada Ethiopia ka cabsi qabta in maamulka ay Kenya dabada ka wado ee Axmed Madoobe oo hogaamiya Malayshiyada Raas Caambooni ee uu hogaamin jiray Xasan Turki oo hore uga  bar bar dagaalmi jirtay Al-shabaab  uga faa’idaystaan haddii ay gacanta ku dhigaan maamulka Magaalada Kismaayo siyaasado qarsoon oo Ethiopia khatar ku noqon kara amnigeeda, taas oo sabab u ah khilaafka shirka Kismaayo.

Sidoo kale waxa jira warar kale oo sheegaya in Ethiopia u aragto haddii Axmed Madoobe gacanta ku dhigo Maamulka Kismaayo inuu gabood u noqon karo jabhada ONLF ee ku kala jabtay heshiishka nabadeed ee ay la galeen dawlada Ethiopia, isla markaana ay kooxo cadawgeeda ahi magaalada Dekeda ah ee Kismaayo ka dhigtaan dhufays iyo maamul ay dhufays ka dhigtaan.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya In dawlada Ethiopia si weyn uga shakiday xidhiidhka ka dhexeeya Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Ethiopia Cabdi Maxamuud iyo kooxaha doonaya inay hogaamiyan maamulka Kismaayo, taas arrinta cirka kusii shareertay, balse ay dawlada Ethiopia oo arrimahaa isha ku haysa ay kala hadashay Kenya qorsheheeda ku wajaahan Kismaayo iyo maamulka la doonayo in loo sameeyo. Sidoo kale dawlada Ethiopia waxay arrimahaa kala hadashay Dawlada Federaalka oo ku guuldaraysatay fulinta siyaasadeeda ku waajahan Kismaayo. Kadib markii Malayshiyda Axmed Madoobe oo taageero ka helaya Ciidamada Kenya  ku gacan saydheen soo jeedinta Xukuumadda Somalia.

Si ka kastaba h ahaatee muranka iyo khilaafka ka taagan maamul samaynta Kismaayo, ayaa lagu tilmaamay inuu tusaale u yahay nidaamka Dastuurka lagu soo waariday Somalia ee Federaalka iyo calaamatu su’aal saaran in xal loo helo mushkilada Somalia oo ay ka dhaqan galaan Nidaam dawladeed oo ku dhisan rabitaanka dadka, isla markaana noqda mid caddaalad iyo xaqsoor ay sal u yihiin.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *