Dubai(ANN)Bisha barakaysan ee Ramadaan oo dunida Islaamka muslimiintu ku gutaan soonka bishaa iyo cibaaddada ayaa la saadilyay inay ku beeganatahay 1 August 2011 oo wax ka yar maalmo inaga xigaan haddii Allaha Awooda lihi aqbalo. Hase yeeshee bisha barakaysan ee sannadkan ayaa la
saadaaliyay 26 sannadood ka dib inay noqonay mid muslimiintu soomayaan saacadaha ugu baddan oo waqtiga soonka ka dhigaya 14 saacadood iyo 5o minutes, taas oo ka baddan xiliga, ama waqtiga maalintu ka kooban tahay marka loo eego sannadii hore.
Qaybta Taariikhda Islaamka iyo arrimaha sadaqada ee xaruntoodu tahay Dubai ayaa xaqiijayay inay Ramadaantan oo ku beegan inay la kowsato 1 August 2011, noqonay mid saacado baddan Islaamku soomanaanayaan , iyadoo maamaha u danbeeya bishana ay maalintu noqonay 14 saacadood.
Jariirada caanka ah ee Gulf News oo soo xiganaysay Madaxa Xarunta Taariikhda Islaamka iyo Arrimaha Sadaqada Ashraf Nourul Xaq Ashraf ayaa qoraal kasoo baxay xaruntaa ku sheegay in maalinta ugu horaysa bisha barakaysan ee Ramadaan oo ku beegan 1 August 2011, salaada subax ee Fajarka eedaanku noqonayo marka ay saacadu tahay 4: 26 Am, iyadoo maqrib eedaanka Afurkuna ku beeganayahay 7:06 Pm, taas oo muslimiintu 10 minutes ka hor inta aanu dhicin eedanku ay joojinayaan. Kadibna bilaabayaan Afurka toban daqiiqo ka dib marka uu bilaabmo xiliga maqribkii ee cadceed dhaca.
Dhinaca dalalka Khaliijka ayaa la saadaaliyay inay qaarkood heer kulka cimiladu gaadhayaan meelaha qaar 40-45, taas oo aanay dad baddani xamilayn heer kulka xaggaaga ee kusoo beegmay iyadoo Ramadaantani tahay tii saacadaha ugu baddan ay soomanaanayaan muslimiintu.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com