images/stories/mrk1.jpg Marka aynu usoo noqono billawgii Budhcadbaddeedda xilligii dhawr iyo sagaashaandkii waxa deegaankaa laga sameeyay kooxdii u horaysay oo ahaa kuwii seeska u ahaa budhcadbadeedda sida ka muuqata qoraalada Dukumentiyada halkan ku lifaaqan ee ku taariikhaysan 1997-kii, kuwaas
oo la baxay ciidanka ilaalada xeebaha gobolka woqooyi bari (NERCO Guard), waxaana kooxdaa maamulayay Gen. Maxamed Abshir Muuse oo sheeganayay xiligaa gudoomiyaha jabhadii SSDF, sidda ka muuqatay Document-yadda la socoday qayntii hore ee qoraalkan, waxaana yagleelida kooxdaa lagu magcaabay ilaalada xeebaha gobolka woqooyi bari, iyadoo uu dhaqaalaha ugu badan ku bixinayay Eng. Maxamed Muunyo oo maamulayay raxan maraabiibta kaluumaysiga ee dawladii soomaaliya lahayd.
Sidoo kale waxa jira shaqsiyaad ilaa labaatan xubnood gaadhaya oo inta badan kasoo jeeda deegaankaa iyo kuwa ku noolaa qurbaha oo u dhashay Somaliland, isla markaana haysta dhalasho Yurub iyo maraykan ah oo kaalin weyn ku lahaa samaynta kooxdaa ujeedooyinka badan.
Liixka Kooxda ayaa magacyadoodda iyo meelaha ay kasoo jeedaan iyo dhalashooyinka ay haystaan kalla yihiin sidan;-
1. Abdirabi Adan galool Reer Biciidyahan (the captain of the Sea Emperor Ship )
2. Farah Ahmed Mattan Isaq H/ Yunis ( candian Passport)
3. Yussuf Adami Dashiishe
4. Adan Ahmed Esa Mohmoud
5. Yussuf Osman dadka laga tirada badanyahay
6. Esa Adan Anshur Ali Suliman
7. Abdi Yussuf Omar mohmoud
8. Odowa Isa Mohmoumd
9. Hagi omar Awo Bidar Ali Suliman
10. Hersi Bulhan Isa Mhmoud (The oldest man in Ibagati parliament)
11. Abdullahi Hersi Bulhan Isa MOhmoud (the son of Hersi Bulhan )
12. Abdullahi Beel daajieye Ali Suliman
13. Jama Abdullahi Beeldaajiye Ali Suliman (the son of Abdullahi Beeldaajiye)
14. Farah Jama Abdullahi Ali Suliman
15. Mohd Hassan Beeldaajiye Ali Suliman
16. Abdullaziz Ismail Dualeh H/JECLO The Somaliland parliament
17. Ibrahim Aratan Ismail Ali Suliman
18. Mohd Ahmed Dualeh Dhulbahante
19. Gurhan Daad Ali Ali Suliman
20. Suldan Said Mohd Farah Ali Suliman
21. Dahir Said Dulbanhante Ugasyoy
22. Enginer Mohd MONEYE Barawaane, (The manager of the Somali fishing fleets)
Marka laga reebo Eng. Muunyo oo isagu doonayay in kooxdu maraakiibta kaluumaysiga ee doonaya inay ka ugaadhsadaan kaluunka xeebahaa qabsadaan si looga caago, isla markaana ay ku sii daayaan oo keliya madax furasho, taas oo dhaqaale fiican u noqonay kooxda, waxay dhamaan xubnaha kale ujeedadoodu iyo istiraatiijiyadoodu ahayd mid sii shaqaysa ilaa inta ay soomaaliya ka jiraan dagaalada iyo fowdadu, si ay u helaan dhaqaale ay si fiican ugu noolaadaan oo ah ugaadhsiga maraakiibta iyo afduubka gaadiidka bada, iyadoo loogu gabanyo kooxda loo xidhay shaadhka ilaalada xeebaha woqooyi bari.
Hase yeeshee Eng. Muunyo maadaama uu isagu maamulayay ilaa todoba markab oo kuwa kaluunka ugaadhsada iyo markab weyn oo ku raran qaboojoyaal lagaga wareejinayo kaluunka lixdaa markab, waxa uu waqtigaa ka hor kasoo guuray dhinaca dekeda Banbaasa oo saldhig u ahayd maraakiibta uu gacanta ku hayo wixii ka danbeeyay burburkii soomaaliya, wuxuuna xarun uga dhigay maraakiibtaa magaalada Caddan oo uu ula wareegay, ka dib markii dhawr jeer lagu soo hujuumay oo laysku deyay in laga qaado.
Si aan loo qabsan maraakiibta uu maamulo mudada ay ku jiraan xeebaha bariga iyo in aanay maraakiibta kaluumaysi u soo gelin halkaa oo aanay ugu cidhiidhyin kaluunka wuxuu sameeyay qorshahaa uu ku taageerayay dhaqaalaha si loo hawl geliyo kooxdaa, kuwaas oo la siiyay awaamiir lagu faray inay qabsadaan maraakiibta kaluumaysi ee soo gala biyaha xeebaha Somalia, isagoo Eng. Muunyo balanqaaday inuu bixinayo wixii dhaqaale ah ee loo baahdo, marka ay timaado fulinta hawshaasi.
bixinayo.
Talaabadii u horaysay ee ay kooxda budhcadbadeedu qaaday horaantii 1997, waxay ahayd inay afduubaan laba markab oo kuwa xamuulka qaada ah, kuwaas oo kala ahaa F/vessel, oo lahaa Maxamed C/llaahi oo ahaa ganacsade u dhashay Somaliland, sidoo kale waxay afduubeen markab kuwa kaluumaysiga ahaa F/sea emperor oo uu lahaa ganacsade Xuseen Yuusuf Ducaale oo u dhashay Somaliland. Iyadoo ay kooxdu markabka kaluumaysiga ee F/sea emperor shuruud uga dhigay sii deyntiisa lacag madax furasho ah oo gaadhay $ 700,000 (todoba boqol oo kun oo dollarka maraykanka ah). sawirka ka muuqda qoraalkan ayaa ah Markabkii u horeeyay ee lagu afduubay halkaa, kaas oo markii hore lagu xanibay guddaha Dekedda Boossaaso. kadib markii si khiyaamo ah loogu leexiyay halkaa isagoo usii jeedda xeebta cumaan.
Inkasta oo markabka kaluumaysiga ee F/sea emperor sii deyntiisa ay ka hawl gashay xukuumada Somaliland waqtigii madaxweyne Cigaal, iyadoo uu xiligaa Col, C/llaahi Yuusuf amray in la sii daayo, balse may suurta gelin dedaaladaas oo dhami, waxaana la rumaysan yahay inay kooxdii gacanta ku haysay markabkaas ay markii danbe hub saartay oo uu ka mid noqday gaadiidkii ugu horeeyay ee ay ku afduubaan maraakiibta ilaa waqtigan oo dunidu si weyn ugu baraarugtay.
Kooxdani waxay ahayd bilawgii iyo aasaaskii budhcadbadeeda maanta sida weyn u gilgilay marinka Biyaha gacanka cadmeed iyo marinka caalamiga ah ee badweynta hindiya ee ay kulaalyaan xeebaha waqooyi bari iyo koonfur bari ee soomaaliya. Dhaqdhaqaaqyada kooxaha budhcad badeeda oo hawlgaladooda iyo farsamadoodu sii xoogaystay ayaa sanadihii danbe saamayn lama filaana ku yeelatay Eng, Muunyo. Kadib markii ay afduubeen qaar ka mid ah maraakiibta kaluunka ee uu maamulayay, kuwaas oo uu ka bixiyay lacag madax furasho ah. Sidoo kale waxa soo baxay kooxo kale oo tiraba dhawr jeer afduubay maraakiibta uu gacanta ku hayay, waxaana soo waajahday cabsi badan oo kaga imanaysay kooxahaa, taas oo keentay inuu maraakiibta kaluumaysiga saaro hub ay isku ilaaliyaan mudada ay ku jiraan kaluumaysiga. Laakiin taasi may noqon mid suurta gelisa inay maraakiibtu xeebaha soomaliya kasii wadaan hawlohooda kaluumaysi, taas oo ay sabab u ahayd cabsida soo waajahday ee kaga imanaysay kooxihii uu aasaaskooda buddhiga u ahaa iyo kooxo kale oo si fudud uga hawlgeli kara xeebaha ay maraakiibtaasi ka ugaadhsanayaan.
Eng. Muunyo oo noqday ganacsade maafiyo ah, wuxuu door mihiim ah ka qaatay loolankii Col, C/llaahi Yuusuf ugu jiray in loo doorto Madaxweynaha mudadii uu socday shirkii Kenya ee lagu soo dhisay TFj, isagoo in ka badan $1,000, 000, (hal milyan) oo dollarka maraykanka ah ku bixiyay kaanbaynka C/llaahi Yuusuf.
Eng, Muunyo oo fursad fiican ka helay burburkii soomaaliya iyo rajao la,aanta dawlad ka dhalata soomaaliya, wuxuu aakhirkii go,aansaday inuu maraakiibtii uu gacanta ku hayay ku xidho dekeda magaalada cadan, halka uu isaguna badhtamihii 2006, u guuray dhinaca dalka talyaaniga oo la rumaysanyahay inuu ka samaysatay ganacsiyo uu ku maal geliyay hantidii iyo khayraadkii uu ka helay burburkii Soomaaliya… lasoco
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380