Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay weli go’aan cad ka qaadan sidii ay ka yeeli lahayd shirka Dawlada Britain qabanayso bisha fooda inagu soo haysa oo ay wax ka yar sadex todobaad inaga xigaan, kaas oo lagaga arinsanayo sidii mujtamaca aduunku ka

 

yeeli lahaa mushkilada Somalia ee labaatan jirsatay.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay maanta isagoo u waramaya Idaacada BBC qaybteeda aduunka la hadasha iyo laanteeda afka Soomaaliga in  shirka dawlada Britain qabanayso ku gudo-jiraan wada tashiyo ay kaga arrinsanayaan mowqifkii ay iska taagi lahaayeen shirkaa xukuumad ahaan.
Wuxuuna isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay arrintaa shirka yidhi, “Shirkan Ingiriisku ugu yeedhay inay Somaliland ka soo qeyb gasho marti-qaadkiisii masuuliyiinta Ingiriisku way na soo gaadh siiyeen shirkaa arrintiisa. Somaliland waa dal madax banaan inkasta oo aanu ictiraaf haysan, haddana waa dal madax-banaanidiisa haysta oo sababo taariikheed oo dheer ay keentay madax-banaanidiisa oo dadkuna ay ku tashadeen. Inkasta oo aanay ictiraaf haysan Somaliland haddana dunidu way la shaqeysaa iyana way la macaamishaa dunidda.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay inaay xukuumaddiisu ka fogaanayso wixii wax u dhimaya madax banaanida Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlayana  wuxuu yidhi,  “Annagu wixii aanu u aragno inay waxyeelayaan madax-banaanida Somaliland dabcan kuma jirno. Shirkaa talladiisii iyo arrimihiisii ayaanu ku jirnaa oo waxaanu ka tashanaynaa wixii laga yeeli lahaa. Waxaanu la tashanaynaa qeybo badan oo bulshada ka tirsan oo ay axsaabta siyaasaddu ka mid tahay.”
Madaxweyne Siilaanyo  oo su’aalaha weriyayaasha  BBC-da ka socday weydiiyeen dagaalkii dhowaan Buuhoolde ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Malayshiyada nabaddiidka, wuxuu yidhi, “Dagaalka ka dhacay Buuhoodle waa ayaan darro oo aad iyo aad ayaanu uga xun nahay dagaal aanu shacbi ku qaadnay ma aha, waxa jiray dagaal ciidamo hubaysan oo dadka khalkhal gelinayay ay ciidamaddu tallaabo ka qaadeen. Waanu ka xunahay haddii dad shacab ah dhibaato soo gaadhay ma rabno kumana tallo jirno inaanu dad shicib ah waxyeelo,”.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sidoo kale  la weydiiyay sida uu u arko natiijadii shirkii Taleex lagu soo gabo-gabeeyay dhawaan waxaanu yidhi “Arrimaha ka soo baxay shirkaasi ee dhibaatooyinka kicinaya,marka hore beeluhu way shiri jireen oo deegaanada dalka waynu ka war-qabnaayoo beelo badan ayaa shirayay laakiin waxay u shirayeen danahooda iyo deegaanadooda in wixii horumar ah ee dhinacyada Tacliinta,biyaha iyo caafimaadka. Shirkaasi markiisii hore manaan diidin waayo lanoogama dhigin shir goosi la imanaya, waanuse ka dignay oo waxaanu nidhi inta shirkaasi yahay mid dadku aayihiisa kaga tashanayo waxba kama qabno madax banaanida Somaliland-na way wada saxeexeen beelaha Somaliland shirkii Burco ee 1991-kii.
Dhinaca kale, waraysi kale oo uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) siiyay BBC World Service, ayuu si qoto-dheer ugaga waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay ee dhinacyadii dib u heshiisiintii beelaha, dhismihii Ha’yadaha dawliga ah, hirgelinta dimuqraadiyada iyo tartanka axsaabta badan iyo qodobo kale.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay xukuumadiisu dedaal ugu jirto sidii ay shaqooyin ugu abuuri lahayd Muwaadiniinta iyo dhalinyarada dalka, waxaanu tafaasiil ka bixiyay go’aankii uu sanadkii hore mushaharkii ugu kordhiyay 100% ciidammadda iyo shaqaalaha dawladda, waxa kaloo barnaamijkaa BBC World Service Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay siyaasada mujtamaca aduunka eek u waajahan geeska afrika iyo mushkiladaha dhinacyada nabadgelyada budhacadbadeeda, argagixisada iyo arrimo kale oo la xidhiidha.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *