Hargeysa(ANN) Wariyayaal Caalamiya oo ka socda qaybaha ka duwan ee Idaacada BBC world service, ayaa booqasho ku yimi Somaliland, waxayna maanta diyaarinta barnaamij ay u qorsheeyeen in laga sii daayo qaybta Idaacada ee la hadasha aduunka ka bilaabeen Magaalada Dekedda ah ee
Berbera, halkaas oo ay waraysiyo darandoori ah kaga qaadeen Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar (Cali Xoor Xoor) iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Maayarka magaalada Cabdala Maxamed Cali, ganacsato iyo shaqsiyaad ka tirsan qaybaha kale ee Bulshada.
Suxuyida caanka ah ee Mary Harper oo ah gabadha tafaftiraha ka ah BBC qaybteeda afrika oo hogaaminaysay kooxda warfidiyeenada BBC qaybta la hadasha aduunka, waxa weheliyay C/risaaq X. Maxamed Siraad, oo ka tirsan suxufiyiinta ruugcadaaga ah ee Bush House iyo weriyayaasha Somalialnd u jooga Idaacada Qaybteeda ku hadasha luqada Af-soomaaliga Axmed Siciid Cige. Iyo Xuseen Aw Jaamac Jibriil (Xagar),
Suxufiyaantaa oo ku guda jira barnaamij balaadhan oo ay doonayaan inay ka tebiyaan BBc qaybteeda la hadhasha aduunka, isla markaana ku waajahan dhinacyada dhaqaallaha, siyaasada, ganacsiga iyo adeegyada bulshada ayaa kormeer kusoo maray dekedda Magaalada berbera, iyagoo waraysiyo qayb ka ah barnaamijkaa la yeeshay Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor, isla markaana muqaalo sawiro ku gaalaa bixiyay dekedda oo waqtigaa ay ka socdeen hawlaha adeegyada dhoofinta iyo dejinta badeecada kala duwan.
Maareeyaha Dekada Berbera Cali Cumar Maxamed ( Cali Xoor Xoor), ayaa ka warbixiyay adeegyada ay qabto dekedu sida uu yahay dhaqdhaqaaqa xiligan, saamaynta dhinaca nabadgelyada ee mandaqada mushkiladaha ka jira , kaalinta ay dekadu harumarka dalka kaga jirto, adeegyada ay bixiyaan, iyo waxyaabaha u qorshaysan Mustaqbalka.
Sidoo kale waxay kooxda warfiyeenada ka socday BBC qaybta la hadasha aduunku Maayarka magaalada Berbera Cabdale Maxamed Cali la yeesheen waraysi ay wax kaga waydiiyeeen Xaalada magaalada Berbera iyo waxyaabaha dhinaca adeega aasaasiga ah ee ay bulshadda u qabtaan Dawlada Hoose.
Kooxdaa weriyayaasha, waxay sidoo kale barnaamijooda qayb ka ahayd in waraysi khaas ah oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ka qaadaan, taas oo qayb ka ah barnaamijka ay u yimaadeen Somaliland kooxda ka socday Idaacada BBC-da , kuwaas oo wada barnaamij balaadhan oo ay doonayaan in laga sii daayo Idaacada BBC World Service qaybteeda la hadasha aduunka, kaas oo si toos ah looga sii daynayo saacada maalinta Khamiista 26 Jan 2012. Isla markaana ku baxaya laba iyo toban luqadood oo ka mid ah Luqadaha kala duwan ee ay BBC world Service ku baahiso wararka iyo barnaamiyada kala duwan ee ay dunida u gudbiso.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com