Hargeysa(ANN)Madaxwaynaha . Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan Al-baabada loo xidhay kula yeeshay  maanta qasriga Madaxtooyadda Maayaradda Todoba Magaallo oo ah kuwa ugu waaweyn dalka. Kulanka Madaxweyna iyo Maayarada
magaalooyinkaa, ayaan si dhab ah loo ogayn waxyaabaha lagaga wada hadlay, iyadoo aanay saxafaadu goob joog ka ahayn, balse qoraal saxaafadeed kulankaa ka dib kasoo baxay qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay 7-da Maayer ee Magaalooyinka ay darajadoodu tahay A-da. Kulankan oo daba socday kulan u Madaxweynuhu hore ula yeeshay Badhasaabada Dalka 05/06/2012. waxa uu Madaxweynuhu maayerada ka dhegaystay warbixin la xidhiidha hawlaha ay qaranka u hayaan iyo xidhiidhka wada shaqaynayd ee Hay’adaha Dawladda.
Warbixintaa dheer waxay Maayiradu kaga warameen wax-qabadkooda labadii sanno ee ugu dambeeyey oo ay sheegeen inuu aad iyo aad uga badan yahay Sannadihii ka horeeyey waxaanay taa ku amaaneen Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay sheegeen in ay ka helaan Gacan qabasho u suurto gelisay dedaalka ay sameeyeen. Maayeradu waxay soo jeediyeen talooyin badan oo wax ku ool ah gaar ahaana khuseeya dhinaca nabad-gelyada iyo cadaalada. Gebegabadii Warbixintaa ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maayerada uga mahad-celiyey talooyinka ay soo jeediyeen iyo wax-qabadkoodaba.
Waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda,  isla markaana ay indho gaara ku hayaan nabad-gelyada iyo cadaaladda oo uu sheegay inay yihiin Aas-aaska Nolosha iyo Dawladnimadaba.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa.
Dhinaca kale tibaaxo laga helay kulankaa oo madaxbanaan ayaa sheegaya in ujeedada kulanku ahayd sidii ay Maayaradu ula shaqayn lahaayeen gudoomiyayaasha magaalooyinka  ay ka yimaadeen, kuwaas oo qaarkood aanay wax  wada shaqayn ahi ka dhaxayn. Sidoo kale waxa ay tibaaxuhu sheegayaan inaanay ka madhnayn kulanka Madaxweynaha iyo Maayarada arrimaha doorashooyinka aan weli la cayimin ee golayaasha deegaanka iyo tartanka Ururada, maadaama Maayarada todobadaa magaalo u baddan yihiin kuwii kasoo baxay xisbiga UDUB oo xiligaa ahaa xisbul xaakimka dalka ka taliya, balse ay hada soo waajaheen khilaafyo siyaasadeed oo kooxaysi iyo xaafadaysan, kuwaas oo calaamatu su’aal weyn saaray mustaqbalka xisbinimadiisa iyo inuu soo dhaafo tartanka doorashada dabayaaqada sanadkan marka la gaadho.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *