Hargeysa(ANN)Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Cali Yuusuf Axmed, ayaa difaacay sharciyada gudoomiyaha wakiilada C/raxmaan Cirro oo isku haya xilka gudoomiyaha wakiilada Somaliland iyo gudoomiyenimada Urur siyaasadeedka  WADANI, taas oo sharciyadeeda

 

muran ka dhashay, isla markaana shan Urur siyaasadeed usoo jeediyeen inuu xilka gudoomiyaha wakiilada iskaga dego, balse  gudoomiye xigeenka labaad ee golaha, ayaa difaacay eedaha loo jeediyay gudoomiye Cirro, wuxuuna ku dooday inuu sifo sharci ah ku hayo labadaas Xil oo aanay jirin wax sabab ah oo u diidaya inuu xilalkaas isku hayo.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiilada Cali Yuusuf oo daba socday soo jeedin ka soo yeedhay qaar ka mid ah Ururada Siyaasada iyo Xisbiyada oo Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ka dalbaday inay go’aan ka soo saaraan labada xil ee uu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu isku hayo ayaa tilmaamay in arrintan ay u arkaan mid la siyaasadeeyay, Waxaanu Xusay in Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” ay sifo sharci ah u doorteen Xildhibaanada Golaha Wakiilada,cida keliya ee ka qaadi kartaana ay tahay Sadex daloolow laba ka mid ah Golaha Wakiilada,isagoo intaas raaciyay in dhamaanba shuruucda inoo degsan ee lagu dhaqmaa aanu ku jirin qodob u diidaya inuu labadaas xil isku hayo.
Mudane Cali Yuusuf Axmed waxa uu ku sifeeyay dadka arrintan hadal haynteeda dabada ka wadaa inay yihiin kuwo ka xun Urur Siyaasadeedka Wadani oo firfircooni la yimid,Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladu waxa u soo jeediyay ururada ku tartamaya saaxada doorashada golaha deegaanku in wax keliya ee l looga baahan yahay ay tahay dhawrista anshaxa,isagoo uga digay qaar ka mid ah ururadaas inay ka feejignaadaan hadalada hanjabaada ah ee ay haatan warbaahinta isku dhaafsanayaan.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladu waxaa kale oo uu sheegay in Xisbiga Kulmiye ee uu ka tirsan yahay iyo Xukuumada talada haysaaba ay ka midaysan yihiin dhawrista Shuruucda iyo Qawaaniinta inoo degsan.

Mudane Cali Yuusuf Axmed waxa uu ku dooday in la isweydiiyo sababta ay Xisbiyada iyo Ururada Qaarkood uga hadli waayeen Xiligii uu dalka hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ahaana Gudoomiyaha Xisbiga Udub, oo isaguba isku hayay Laba Xil,  isla markaana adeegsanayay dhamaanba awooda dawladeed ee uu gacantana ku hayay.

Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiiladu waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu aanu wax saamayn ah ku lahayn Xeerarka uu Goluhu meel mariyo,isagoo iftiimiyay in gudi hoosaadyada goluhu ay soo diyaariyaan ama ka soo warbixiyaan wixii shuruuc ah ee golaha la hor keenayo , waxaanu intaas ku daray in doorkiisu uu yahay Shir Gudoominta Golaha, mudadii uu golaha hogaaminayayna aanu hal mar u codayn Xeer goluhu meel mariyay.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *