Hargeysa(ANN)-Badhasaabka gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud, ayaa caddeeyey inaanay jirin wax xus oo loo sammaynayo sannad-guurada 20aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadeeda dib ula soo noqotay ee lagaga dhawaaqay magaalada Burco 1991-kii. Badhasaabku waxa uu sidaa u maanta sheegay Idaacadda Radio Hargeysa oo muddooyinkan danbe laga sii daayo barnaamijyo iyo mawaadiic lidi ku ah komishanka Doorashooyinka iyo hawlaha ay qaranka u hayaan ee ay ugu horayso bedellaada kaadhadhka cusub ee lagu gelayo doorashada madaxtooyadda ee loo asteeyey inay qabsoonto 26 June 2010.

 

 

Maxamed Cabdi Daa’uud, ayaa Komishanka Doorashooyinka ku cambaareeyey inay lumiyeen laba maalmood oo dalka muqadas ku ah, kuwaasoo kala ah 18-may oo ku beegan maalinta beritto ah iyo 26 june oo ku beegan maalinta codbixinta loo dareerayo, taasoo uu ku sifeeyey mid ay u sammeeyeen si ula kac ah. isagoo dhinaca kalena qiray inaanay xukuummada Rayaale ku hawlanayn qabanqaabada xuska 18 May, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Maanta diiwaangelntiibaa socota, labadii cisho ee u danbeeyey ayaa innoo hadhay, waana labada cisho ee loogu buuqa badanyahay ee qof waliba is leeyahay maalmaha danbe qaado. markaa waxay ku beegantay maalinta 18-ka May oo berito ah dee markaa dadkii ma cadili karno oo intaanu Beerta Xoriyadda ugu yeedhno oo aanu durbaan u tunno, oo mashquulino aadbay dadka dhibaato ugu tahay, sidaa daraadeed waxay u eegtahay 18-kii May inanay qabsoomayn, taas masulliyadeedana cidii xilligan ku beegtay ayaa iska leh oo Komishanka Doorashooyinka ah. Taa waxa ka daran maalinta 26-ka June oo malintii dalkeenu guumaysiga ka kacay waxay iyana ku beegeen maalinii doorashadu dalka ka dhacaysay, markaa labada cishoba waxaan u arkaa inay si ula kac ah u sammeeyeen Komishanku inay labadii cisho ee muqadaska ahaa ku beegeen marka waxaad moodaa nimankani inay u shaqaynayaan sida kombuyuuratka aan bilow aadanka ahayn ee la wado uun ee xiska iyo dareenka toona lahayn, markaa qalladkeedana taas iyaga [Komishanka], ayaa leh”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *