Monday   17 May  2010a

 

Hargeysa (ANN)-Madaxweyne Daahir Rayaale Kahin ayaa cadeeyay in aan maalinta berrito ah la xusi doonin munaasibada 18 May oo ku beegan Maalintii ay Somaliland lasoo noqotay Xoriyadeedii. Ka dib markii shirweynihii beelaha Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco sanadkii 1991-kii  18May, taas oo loo asteeyay in la xuso sanad kasta maalintaa oo ay Somaliland gooni isu taageeda dib ugala  soo noqotay  dalkii la isku odhan jiray Somaliya.

 

 

 

Madaxweyne Rayaale waxa uu sidaa ku sheegay kulan uu saxaafada qaarkood ugu yeedhay oo uu cawaeyskii caawa ku qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland, kaas oo uu diiday inay weriyayaasha ka qayb galay weydiiyaan su’aalo la xidhiidha sababta ay xukuumadiisu u joojisay qabashada xuska maalintaa qiimaha badan.  Balse waxa keliya ee uu madaxweyne Rayaale  cadeeyey in aan maalinta berrito ah la xusi doonin maalinta qaranimadda Somaliland ee 18-ka May, isagoo ku sababeeyey in ay dalka ka socoto kaadhadh qaybinta codbixiyayaasha doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan 26-ka bisha June ee soo socota, waxaanu dadweynaha ku wargeliyey in aanay jirin wax dabaaldeg ahi.

Sanadguurada 18 May ee maalinta beri ku beegani waa sanadguuradii 20aad ee kasoo wareegtay maalintii ay Somaliland lasoo noqotay qaranimadeeda waana markii ugu horaysay ee aan la xusin taariikhda Somaliland, iyadoo xusaska maalmaha mihiimka ah ee Somaliland munaasibadaha lagu xusaa soo diciifayeen tan iyo mudadii ay xukunka gacanta ku qabteen kooxda xukuumada Rayaale.

 

By,  Carraale  M. Jama

 Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *