Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dawlada Hindiya u fadhiya dalka isu taga imaaraadka carabta Lokesh Mysore Kapanaiah, kaas oo weftiga Madaxweynaha ku soo booqday Huteelka ay degan yihiin ee

magalaada Abu-Dubai.
Madaxweynaha iyo safiirku waxay iska xog waraysteen xaalada Somaliland iyo wadciga siyaasadeed ee ka jira mandaqada.
Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo laga soo saaray kulankaa kadib. Qoraal saxaafadeedka ayaa u sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hoggaaminaayo kuna sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa Maanta (25/04/2011) ku soo booqday Madaxweynaha JSL, Hotel-ka uu Degan yahay Safiirka Waddanka HINDIA u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Mr. Lokesh Mysore Kapanaiah.
Safiirka oo kulan Saacaddo qaatay la yeeshay Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa waxa uu ka hadlay Aragtida Wadankiisu uu ka qabo Somaliland iyo Guud ahaanba Mandaqada Geeska Afrikada Bari Gaar ahaana Dhinaca Nabad-gelyada, Budhcad-badeeda, Argagixisada iyo  dhinaca Dhaqaalaha.
Safiirku waxa uu sheegay in uu Wadankiisu ka war hayo in Somaliland tahay qayb markii hore ka mid ahayd waddankii laysku Odhan jiray Soomaaliya, laakiin imika ay Muddo labaatan (20) sanno ah ay Goonideeda u taagnayd, in uu Waddanka Somaliland yahay waddan Mutaystay in la Gacan-qabto oo ku guulaystay inuu dhinaca Nabad-gelyada iyo Dhinaca Dimu-quraadiyada aad uga Horu-marro waddamada ku xeeran qaarkood gaar ahaana Waddankii uu markii hore ka mid ka ahaan jiray ee Soomaaliya oo isagu Weli ku sugan Xaalad Xasilooni Daro ah ayuu yidhi Safiirka waddanka Hindia u fadhiya Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Madaxweynaha uga Waramaayey Aragtidiisa ku aadan Mandaqada iyo sida ay u arkaan wax-wada qabsi ay waddankiisu la yeeshaan Wadanka Somaliland.
Safiirku waxa uu sheegay in waddanka Hindiya danaynayo wax la qabsi dhinaca Dhaqaalaha ah oo uu la yeesho wadanka Somaliland, waxaanu sheegay in uu Shirkaddo waa weyn oo waddankiisa ka soo jeedaa danaynayaan Maal-gashi gaar ahaana Dhinaca Macdanta.
Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna dhiniciisa waxa uu uga waramay Safiirka Baahida ay Somaliland u qabto in ay somaliland wax la qabsato Hindia waxaanu warbixin ka bixiyey dhinaca Budhcad-badeeda iyo dhinaca Nabad-gelyada labada sidii loo sii adkayn lahaa Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay labadaasba ka bad-qabto Somaliland laakiin Nasiib darada haysataa Somaliland ay tahay in labadaasiba ay halis ku yihiin oo ay ku badan yihiin Wadanka la jaarka ah ee Soomaaliya ee ay la wadaagto bad-weynta hindiya ee Budhcad- badeedu hada ka ugaadhsato iyo Dhinaca Bada-cas gaar ahaana dhinaca Soomaaliya iyo weliba Argagixisada oo iyadu xarunba isagga noqotay Waddanka Soomaaliya oo Dabcan Somaliland-na mar-mar badan saamayn ku yeeshay.
Laakiin waxa uu Madaxweynuhu uga waramay in ay shacbiga iyo Dawladda Somaliland-ba si wayn isaga kaashadeen sidii ay isaga Dayri lahaayeen dhibaatooyinkaa kaga imanaaya deriska ee la xidhiidha bada iyo beriga labadaba.
Madaxweynuhu waxa uu dhiiri-geliyey Aragtida Safiirka ee ah in uu soo hogaamiyo ama soo dhiiri-geliyo shirkadaha waa weyn ee waddanka Hindia ee Maal-gashiga Somaliland diyaarka u ah ama Danaynaya.
Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa kale oo uu safiirka kala hadlay dhinaca wax-barashada oo uu sheegay in wadanka Hindia ka caawin karo somaliland dhinaca wax-barashada gaar ahaan (Scholarships), Scholarship-yada dhinaca Ardayda Dhamaysatay Dugsiyada Sare iyo Jaamacadahaba ee reer Somaliland, Safiirkuna waxa uu soo Dhaweeyey Arrintaasi waxaanu sheegay in waddanka Hindia taa wax weyn ka qaban karayaan dalkiisana uu kula noqon doono.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *