Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada), ayaa maanta fadhi wada-jir ah oo ay yeesheen waxay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen inay xukuumadda Somaliland ay ka qeyb gasho shirka dawladda Britain ku qabanayso Magaalada
London 23-ka bishan.
Fadhigan wada jirka ah ee Labada gole oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo ay ka xaadireen 109 mudane oo ka mid ah 168 mudane ee ay ka kooban yihiin labada aqal . ka hor intii aanay gelin mawduucaa ajandaha kulankaa wada jirka ah, waxa khudbad ka jeediyay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahii Cumar oo Xildhibaanadda labada gole sharaxaad kooban ka siiyay shirka London iyo ahmiyada uu Somalialnd u leeyahay, isagoo sheegay inaanu shirkaasi haba yaraatee wax saamayn ah ku lahayn qadiyada gooni isu taaga Somaliland, waxaanu ku dooday inay Somaliland ay warbixin dheer oo ku saabsan masiirkeeda iyo waxqabadkeedii labaatankii sanadood ee la soo dhaafay ay ka jeedin doonto madasha shirkaa oo ay ka qeyb galayaan in ka badan afartan wadan.
Wasiirku wuxuu sheegay inaanay Somaliland ugu jirin qorshaha khariirada nabadda ee Soomaaliya, hase yeeshee ay shirkaasi ka khuseeyo qodobada kale ee lagu gorfayn doono ee ay ka midka yihiin la dagaalanka budhcad badeedda iyo argagixisadda.
Warbixinta wasiirka arrimaha debeda ka dib waxay Mudaneyaasha labada Gole ay wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen qaraarkii sharci ee ay laba gole hore ugu mamnuuceen sagaashanaadkii in Somaliland ka qeyb gasho shirarka Soomaaliya, iyadoo la raaciyay farqad odhanaysa xukuumadda Somaliland waxay ka qaybgeli kartaa shirkasta oo ay ku jirto danta Somaliland, isla markaana aan waxba yeelayn qaranimadeeda iyo madaxbanaanideeda iyo qodobka kale oo gudoomiyuhu yidhi, “Qodobka labaadna waxa weeye maadaama Xukuumaddu codsatay in labada Gole ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada golle ay ku taageeraan” waxayna mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen in xukuumadda Somaliland ka qeyb gasho shirka London waxaana ogolaaday 101 Mudane, 3 Xildhibaan ayaa diiday, halka 4 Mudane ay ka aamuseen , iyadoo aanu Guddoomiyuhu codayn.
Fadhigan wada jirka ah ee Labada Gole ayaa ka dhashay kulan qado sharafeed ah oo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) shalay ugu sameeyay mudanayaasha laba aqal Huteelka Maansoor, kaas oo uu uga xog-waramay shirka Lomndon iyo ahmiyada uu Somaliland u leeyahay.
Madaxweyne Siilaanyo Sidoo kale wuxuu kulamo la yeeshay xisbiyada qaranka iyo ururada siyaasadda ee dhowaan is diiwaangeliyay, Salaadiinta iyo madaxdhaqameedka iyo Ururada Bulshada, kuwaas dhamaantood waafaqay inay xukuumadda Somaliland ka qaybgasho shirkaa, waxayna dhamaan kulamadaasi ka danbeeyeen, kadib markii Madaxweyne Siilaanyo hore u sheegay inay Somaliland haddii ay shirkaa ka qaybgelay iyo haddii aanay ka qaybgelaynba talo qaran ka yeelanayso, isla markaana xukuumaddiisu ku go’aan qaadanay waxa kasoo baxa taladaa qaranka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com