https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13aea6c024c0b32f&attid=0.6&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1352557485376&sads=tEb0JxDRRJfEReOa7BPDZi10VjcHargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa safar kedis ah saaka waaberigii ugu baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. safarka Madaxweynaha oo aan hore loo shaacin ayaa soo baxay xalay saacadihii danbe, iyadoo

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo kolanyo wefdi ah oo uu wataa saaka ka jarmaadeen madaxtooyada.
warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ujeedada safarka Madaxweynaha, iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu la xidhiidho kaanbaynka doorashada golayaasha deegaanka. kadib markii ay soo baxday in taageerada Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigiisa ee dhinaca bariga Somaliland hoos u dhac weyni ku yimi, taas oo wararka qaar sheegayaan inuu ku war geliyay Madaxweynaha wasiirkiisa Madaxtooyada Xisri Xaaji Cali Xasan oo khamiistii kasoo laabtay socdaal aan ujeedadiisa la fahmin oo uu ku tegey dalka Britain dhowaan.


tibaaxo kasoo baxay safarka Wasiir Xirsi ee dalka Britain ayaa tilmaamay in uu dalka Britain kasoo ogaaday inaan qurba-jooga ku dhaqan dalkaa ee hore taageerada dhaqaale iyo cududa la daba taagnaa xiligii mucaaradka Kulmiye ay hada iskaga hadheen, taas oo sababtay in deegaanada bariga dhamaantood hoos u dhac weyn ku yimi dhinaca xisbul xaakimka, isla markaana ay khasab noqotay inuu Madaxweynaha ku wargeliyo inay socdaal ku tagaan gobolada Bariga gaar ahaaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Hase yeeshee warar kale ayaa sheegaya inaanay safarka Madaxweynaha ka madhnayn arrimo dhinaca shidaal la doonayo in laga bilaabo deegaamada Bariga xeebta Berbera iyo Oodweyne dhowaan, iyadoo safarka Madaxweynaha ay qorshaha ugu jirto inuu kulamo la yeesho Odayaal iyo waxgarad ka tirsan deegaanka si uu uga hadlo arrimo badan.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo markii uu gaadhay saaka barqadii degmada Sheekh wuxuu xadhiga ka jaray Cusbitaal weyn oo dawlada Kuwait maalgelisay iyo dayactir lagu sameeyay guriga Martida ee Sheekh oo dhagax dhig uu ku sameeyay si loo dayactiro.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13aea6c024c0b32f&attid=0.8&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1352559295733&sads=RR6ehhlNo2V762HjkvZhKHRqCjshttps://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13aea6c024c0b32f&attid=0.5&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1352558522966&sads=xTico2IdJ_8vZqGfHMXKaX2mqzk

Madaxweynaha oo wefdigiisa ay ku weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa u gudbay duhurkii maanta dhinaca magaalada burco ee xarunta gobolka Toghdeer, isagoo dhawr wado oo ay dawlada hoose dhistay magaalada gudeheeda furay xadhiga ka jaray jidad laga dhisay magaalada Burco gudaheeda oo ay fulisay dawladda Hoose ee magaaladda Burco.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhiga ka jaray dhismaha dugsiga farsamadda gacanta ee Burco. Waxa kale oo madaxweynuhu xadhiga ka jaray dayactir balaadhan oo lagu sameeyay xarunta guriga martida Burco iyo dugsiga farsamada oo dib u dhis lagu sameeyay.  sidoo kale  waxa uu dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo gurigaasi. waxaana la filayaa inuu maanta gelinka danbe kulamo la yeesho Odayaasha iyo masuuliyiinta gobolka, isla markaana kulamadaa iyo hawlaha socdaalka Madaxweynaha ayaa u muuqda kuwo la xidhiidha arrimaha kaanbaynka ee xiligan, waxaana la filayaa inay galabta ilaa caawa kusoo laabtaan magaalada Berbera oo Madaxweyne Siilaanyo la filayo inuu  caawa kulamo la yeelan doono odayaasha deegaanka, isla markaana maalinta beri kusoo laabto Hargeysa.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13aea6c024c0b32f&attid=0.5&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1352558522966&sads=xTico2IdJ_8vZqGfHMXKaX2mqzkAraweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.coma safarka madaxweynaha kala soco araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *