Muqdisho(Araweelo News Network) Baarlamaanka Somalia ayaa loo gudbiyay Mooshin ka dhan ah Raysal Wasaare Saacid iyo Xukuumadda oo lagu eedeeyay inay
gudan weyday waajibaadkii loo igmaday.
Mooshinka ayaa la filayaa in golaha Baarlamaanka Somalia ka doodo maalinta Beri ah, kaas oo ay xildhibaanada soo gudbiyay ku doodeen inuu yahay mid lagu qiimaynayo Raysal wasaare Saacid Shirdoon iyo xukuumaddiisa oo sida ay sheegeen ka gaabisay mudadii ay jirtay inay gudato waajibaadkeedii .
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo xubin ka ah guddiga amaanka ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya kana mid ah mudanayaasha wada Mowshinka ka dhanka ah xukuumada ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ku kalifay iney xiligan keenaan mowshinkaas.
Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa ku dooday in xukuumaddu ay ku fashilntay wax ka qabashada arrimo badan oo ku saabsan xaaladaha dalka, gaar ahaan amniga magaalada Muqdisho . sidaa awgeed aan lagu sii eegan Karin qaabka ay wax u wado, isla markaana ay go’aansadeen inay talaabo ay ku badbaadinayaan dadka iyo dalka ay qaadaan.
Hase yeeshee Mooshinka ayaa la filayaa inuu doodo adag iyo muran ka dhex abuuro golaha Baarlamaanka oo awood u leh inay kalsoonida kala noqdaan Raysal Wasaare Saacid iyo xukuumadda uu dhisay ee aan tamarta lahayn.
Waxaana jira warar laga soo xigtay qaar ka mid ah Mudanayaasha oo tibaaxaya in qorshaha Mooshinkani yahay mid ka dhashay khilaaf u dhexeeya Madaxda sare ee Dawlada Federaalka Somalia, iyadoo farta lagu fiiqayo inuu jiro muran iyo khilaaf siyaasadeed oo soo jiitamayay oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal wasaare Saacid, kaas oo sababay in ay meesha ka baxdo rajadii iyo yididiiladii laga qabay xukuumadda Raysal wasaare saacid ee Xasan Sheekh ka yahay Madaxweynaha.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in qorshaha Mooshinkan uu ka dhashay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh kulamo uu todobaadyadii hore dalka Britain kula yeeshay jahliyadaha Soomaalida loogu bandhigay cabashooyin la xidhiidha qaab dhismeedka xukuumaddiisa. Sidaa awgeed loo baahanyahay inuu wax ka bedelo, taas oo daba socotay soo jeedin ay bilawgii doorashadiisa ee sanadkii hore usoo jeediyeen dalalka Kenya, Uganda iyo wadamo kale inuu raysal wasaare u magcaabo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ooh ore u ahaa raysal Wasaare xiligii dawldii Sheekh Shariif.
Sidoo kale Booqashadii xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe uu dhowaan ku tegey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo xiisada ka aloosan Kosmaayo ayaa lala xidhiidhiyay inay qayb ka tahay mooshinka la horgeeyay Baaralamaanka ee la doonayo in xukuumadda kalsoonida lagala noqdo, balse waxa muuqata inay adakaan doonto Meel marinta Mooshinka ee Baarlamaanka, kaas oo khilaaf horleh ka abuuraya madaxda sare ee dawlada iyo Baarlamaanka dhexdiisaba.
Mooshinka ayaa kusoo beegmay xili khilaaf lagu muranyahay awooda iyo maamulka Kismaayo oo mudooyinkanba laysku mari la’aa uu hada cirka iska shareeray, kaas oo natiijadiisu noqotay in labada hogaamiye kooxdeed ee Axmed Madoobe iyo Bare Hiiraale mid walba gaarkiisa u sheegtay in uu yahay Madaxweynaha loo doortay Kismaayo.