araweelonewsHargesa(Araweelo News Network) Hogaanka Xisbul xaakimka ee Kulmiye ayaa ku gacansaydhay Liiska xubnaha golaha dhexe iyo gudida fulinta oo ay shalay shaaciyeen gudoomiyaha shirgudoonka ka ahaa

 

shirweynihii xisbiga iyo xubnihiisu.
Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in aanay aqbalayn liiska la shaaciyay oo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn sharciga iyo xeerka xisbiga.
Shir jaraa’id oo ay galabta wada jir u qabteen Gudoomiyaha iyo Gudoomiye xigeenku waxay kaga hadleen sababta ay ugu gacansaydheen liiska la shaaciyay oo ay sheegeen in aanu xaq u lahayn shirgudoonka ku dhawaaqay, kaas oo ay sheegeen in shaqadiisu ku ekayd intii uu socday shirweynaha xisbiga Kulmiye, balse aanu shrgudoonkaasi ahayn mid sii shaqaynaya markii uu dhamaaday shirweynaha Xisbigu. sidaa awgeed aanay awood ay ku magcaabaan liiska golaha dhexe iyo sabab ay u shaaciyaan liiska xubnaha golaha dhexe midna jirin, isla markaana waxay sheegeen in ay iyagu hogaan ahaan ku dhawaaqayaan liisaska rasmiga ah ee golaha dhexe iyo gudida fulinta.
Dhawaaqa masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ayaa si cad u muujiyay inuu jiro khilaaf weyn oo ka taagan xisbiga dhexdiisa, kaas oo u dhexeeya hogaanka xisbiga iyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaana suurta gal ah in khilaafka kasoo baxay natiijada shirweynaha xisbiga Kulmiye ee dhowaan lasoo gebagebeeyay uu salka hayo khilaafkii mudada dheer hortaagnaa qabashada shirweynaha xisbigaa oo sabab u ahaa dib u dhacyada xiligaa ku yimi in shirweynaha xisbiga Kulmiye qabsoomo xiligii loogu talagalay iyo mudooyin kale oo marba dib loogu riixayay.
Kulmiye oo ah xisbi ka hor intii aanu ku guulaysan doorashadii 2010 ee madaxweyne Siilaanyo ku fuulay kursiga, wuxuu ahaa xisbi mucaarad ah oo garab iyo baaxadlahaa, balse wixii markaa ka danbeeyay waxa soo baxayay loolan garab ka mid ah sadexdii garab ee uu ka koobnaa kulmiye oo awood ku yeeshay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo ah kooxda wadaadada iyo garabka ay hogaaminayeen kooxda Kornaylada ee ku hadhay xisbiga oo loolan weyn oo ku waajahan gacan ku haynta awooda iyo hogaaminta xisbiga dhexmaray, kaas oo saababay khilaaf si weyn u ragaadiyay xisbiga oo sabab u ahaa dib u dhacyada shirweynaha, isla markaana u muuqda inuu mar kale dib usoo laabtay kadib natiijadii shirweynaha xisbiga.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *