Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland ayaa qalinka ku duugay sadex xeer oo laba ka mid ah muran ka alloosnaa kaabista iyo wax ka bedelka lagu sameeyay, kuwaas oo kala ah, Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Xeer Lr. 37/2007 Lifaaq 3aad. Wax ka

 

Bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011. Iyo sidoo kale Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer Lr. 20/2011 Lifaaq 3aad.
Qoraalo kasoo baxay  maanta 14 Dec , 2011, xafiiska madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland C/llaahi Daahir Cukuse ayaa lagu faafiyay dhaqangelinta wax ka bedelka iyo kaabista sadexdaa xeer oo horyaalay Madaxweynaha mudooyinkii lasoo dhaafay. Kadib markii ay golayaasha sharci dejintu ku sameeyeen wax ka bedel iyo kaabis.

Digreetooyinka lagu faafiyay wax ka bedelka iyo kaabista xeerarkaa ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Dhaqan-geliyey Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Xeer Lr. 37/2007 Lifaaq 3aad.

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:        Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,
Markuu Helay:    Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-16/550/2011,  ee      Ansixinta wax ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururadda iyo Axsaabta Siyaasadda;
Markuu Arkay:        Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Wuxuu soo saaray:-

Dhaqan-galka wax ka Bedelka iyo Kaabista xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee xeer Lr 37/2007 Lifaaqa 3aad oo ah.
Diwaangelintii hore ee 2008-kii  laga qabtay Dalka JSL waa la laalay.
Doorashooyinka soo socda ee Golayaasha Deegaanka oo kaliya ayaa lagu galayaa diiwaangelin la’aan.
Ka hor Doorashoyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada waa in Dalka JSL, lagu qabtaa Diiwaangelin Cusub. Oo Doorashooyinka Golaha Wakiilada  iyo Madaxtooyada lagu gala.
Waxa la laalay Qodobka Ku cad Xeerka Doorashooyinka Xeer Lr. 20/2001, wax ka bedelka (Kuna suntan Qodob Cusub.
Waxa halkan lagu laalay qodob kasta oo ka hor imanaya faqradahan lifaaqan ee (1,2,3,4).
Sidoo kale Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta Dhaqan-geliyey Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011.

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:        Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,
Markuu Helay:    Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-16/549/2011,  ee      Ansixinta wax ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururadda iyo Axsaabta Siyaasadda;
Markuu Arkay:        Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Wuxuu soo saaray:-

Dhaqan-galka wax ka Bedelka iyo Kaabista xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyada Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011 ee Qodobadan hoos ku xusan:-

Qodobka 3aad, Faqradiisa 6aad, Xarfaha B,T,J.X
Qodobka 4aad, farqadiisa 1aad
Qodobka 4aad, Farqadiisa 3aad
Qodobka 5aad, Farqadiisa 2aad
Qodobka 5aad, Faqradiisa 3aad, xarafka J
Qodobka 11aad, Farqadiisa 4aad
Qodobka 23aad, Farqadiisa 2aad iyo
Qodobka Cusub oo ah Qodobka 29aad
Sidoo kale Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Dhaqan-geliyey Wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada Xeer Lr. 20/2011 Lifaaq 3aad.

Madaxweynuhu :-

Markuu Arkay:        Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,
Markuu Helay:    Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, ee Go’aan Lr. GW/KF-16/551/2011, ee      Ansixinta wax ka Bedelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada  Xeer Lr. 20/2011 Lifaaqa 3aad;
Markuu Arkay:        Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Wuxuu soo saaray:-

Qodobka 22aad oo ah habka doorashada Golayaasha Deegaanka;
Qodobkan oo ahaa habka liistada waxaa laga dhigay oo loo Bedelay sidan:-
Xisbi/Urur kasta oo doonaya in uu ka qayb-galo doorashada Golayaasha Deegaan, waa in uu komishiinka Qaranka u gudbiyo liiska musharaxiinta uu u xulay inay uga tartamaan doorashada oo degmaysan, kaas oo ku salaysan tirada kuraasida degmo kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah, waana in komishinku siiyaa musharax kasta Astaan u gaar ah.
Kuraasta Degmo-doorasho, waxaa Axsaabtu/Ururadu ku kala helayaan habka saami qaybsiga (Proportional Representation System) ee kuraasida iyo codadka xisbi/Ururkasta ka helo Degmadaas, iyadoo uu xisbiga/Ururkuna ay musharaxiintiisu ku kala guulaysanayaan sida ay u kala codbadan yihiin.
Musharaxiinta ku guulaysan waaya doorashada Deegaanka waxay noqonayaan kayd, iyadoo loo kala qaadanayo sida ay u kala codbadan yihiin, marka xubin ama xubne ka mid ah Golaha Deegaanku uu baneeyo xilka.

Qodobka 33aad Faqradiisa 4aad
Qodobkan 33aad Faqradiisa 4aad oo ahaa qofka isu taagaya doorashada Golayaasha Deegaanka waa in aanu/aanay Da’diisu/Dadeedu ka yaraan 35-Jir sannadka doorashada
Waxaa loo bedelay qodobka sidan:-
Qofka isu taagaya doorashada Golayaasha Deegaanka waa inuu/inaay Da’diisuDa’deedu ka yaraan 25-jir sannadka Doorashada.”
Dhinaca kale xeerarka madaxweynuhu qalinka ku duugay ee kaabista iyo wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa qaarkood waxa ka taagnaa muran iyo doodo siyaasadeed, kuwaas oo ka imanayay axsaabta mucaaridka iyo qaybo ka mid ah bulshada, isla markaana ku tilmaamay inay mudanayaasha golaha wakiiladu wax ka bedelka, kaabista iyo laalista lagu sameeyay lagu sameeyay xeerarkaa, tusaale ahaan wax ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururadda iyo Axsaabta Siyaasadda oo golaha wakiiladu ku lifaaqay inuu mudane kasoo baxay xisbi furan karo, ama ka mid noqonkaro Urur siyaasadeed iyo wax ka Bedelka iyo Kaabista xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee xeer Lr 37/2007 Lifaaqa 3aad, kaas oo lagu laalay gebi ahaanba diiwaangelintii cod bixiyayaasha ee doorashadii Madaxtooyada, isla markaana jideeyay in diiwaan gelin la’aan lagu galo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan April 2011.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *