Muqdisho(ANN) Wafti uu Hogaaminayo Raysal Wasaaraha cusub ee dawlada Fadraalka Somalia Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta buuqasho rasmiya ugu baxay Dalka Djibouti. Kadib markii uu casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle. Waftiga
uu hogaaminayo Raysal Wasaare Farmaajo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Debeda Somalia Maxamed C/laahi Omaar, Wasiirka Maaliyada , Wasiir Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha iyo Saraakiil kale oo tirsan Xafiiska Raysal Wasaare Farmaajo.
Lama garnayo ujeedada safarka Raysal Wasaaare Farmaajo oo ah kii ugu horeeyay mudadii uu xilka Raysal wasaaraha hayay ee uu ku booqdo dal kale mudada uu qaadanayo iyo inay jiraan dalal kale oo uu booqanayo wefdigoodu , balse waxa la filayaa inay Madaxweynaha Jamuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ka wada hadli doonaan xaalada Soomaaliya iyo sidii ay Xukuumada Cusub ugu soo dabaali lahayd Xal u helida mashaakilaadka soomaaliya. Sidoo kale waxa suurta gal ah in kulamada lagu soo qaado khilaafka ka jira dhinaca xukuumadda ee u dhexeeya masuuliyiinta Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.
Iyadoo Socdaalka Raysal wasaaraha cusub ee Somalia ayaa kusoo beegmay xili ay soo baxayaan warar sheegaya inuu jiro khilaaf mar kale soo kala dhexgalay masuuliyiinta sare ee dawlada taagta daran ee Somalia. khilaafkaa oo u dhexeeya Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la sheegay inuu soo baxay. Kadib markii uu Madaxweyne Shariif ogaaday qorshe iyo kulamo hoose oo uu guddoomiyaha Baarlamaanku ku sheegayo in mudada xukuumadda madaxweyne Shariif ka hadhay mudo koobani, isla markaana Gudoomiyaha Baarlamaanka uu waddo Qorshe uu Beesha Caalamka uu kaga dhaadhicinayo in Madaxweyne Shiikh Shariif xilka mudadiisu ku eg tahay 31 January, 2011, taas oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar bil iyo labaatan cisho, waqtigaa oo ku eeg markii Shiikh Shariif lagu doortay Djibouti Sannadkii 2009.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xiligan ay si weyn isu khilaafsan yihiin Madaxweyne Shariif, loo heysto lacag uu deyn ahaan u qaatay xilligii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda dowladda KMG Soomaaliya.
Iyadoo ganacsade u dhashay dalka Soodaan oo lagu magcaabo Saadiq Maxamed Axmed, dacwad ka dhan ah Shariif Xasan u gudbiyay masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha arrimahaa Ganacsadaha Soodaaniga ah ayaa sheegay in Shariif Xasan uu ku leeyahay deyn lacageed gaadhaysa $ 8Milyan oo doolarka Mareykanka ah, taasoo uu amaahiyey xilligii uu wasiirka Maaliyadda ka ahaa dowladda Soomaaliya oo sida uu ku doodayo uu dalka Soodaan ugu tegey, kana codsaday inuu lacagta noodhka ee shillinka Soomaali u soo daabaco. Sidaana ay heshiis ku galeen inuu ganacsade Saadiq horumarin u bixyo lacagtaa si loogu daabaco lacagta xiligaa.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com